Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu taageerayay waxqabadka maamulka G/Banaadir oo xalay lagu qabtay Muqdisho

December 11, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ee G/Banaadir.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi khudbado kula duwan ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeybgalay xafladaasi, kuwaasoo ka hadlay ahmiyadda ay leeyihiin mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda.

Related posts

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

June 29, 2022
Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

June 29, 2022

Xubnihii ka hadlay munaasabaddaasi ayaa maamulka gobolka Banaadir ku amaanay dadaallada wax tarka leh ee uu ka wado magaalada Muqdisho, waxeyna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la sii kordhiyo mashaariicda lagu horumarinayo caasimadda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolku qorsheeynayo mashaariic balaaran oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee gobolka Banaadir, isagoo ka dalbaday bulshada ineey ka qeeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

 

 

Previous Post

Golaha ammaanka oo ka hadlay xaaladda dalka

Next Post

in ka badan 10 Qof oo loo maleenayo in ay sumooween oo ku geeriyooday Degmada Yaaqshiid

Next Post

in ka badan 10 Qof oo loo maleenayo in ay sumooween oo ku geeriyooday Degmada Yaaqshiid

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

June 29, 2022
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin...

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

June 29, 2022
0

Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela ee Koonfurta Gobolka Mudug Maxamed Shuuke iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa maanta kormeer loogu kuurgalayay xaaladaha...

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay iskuduwaha mashaariiicda Bangiga Adduunka

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay iskuduwaha mashaariiicda Bangiga Adduunka

June 29, 2022
0

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye

June 29, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta daahfuray mashruuca iskaashiga Caalamiga  ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In