Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka Galmudug oo la doortay,

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa la guda galay, iyadoo la doortay guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee barlamaankaasi.

Xareed Cali Xareed ayaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmdug, kaddib markii uu tartan la galay musharixinta kala ah Maxamed Xasan Xuseen iyo Cabdullaahi Xirsi Maxamed.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Xareed Cali Xareed ayaa helay 58 cod, waxaana Maxamed Xasan Xuseen uu helay 21 cod, halka musharaxa saddexaad uu isna helay 3-cod, waxaana codeysay 82 Xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlaamanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada oo sheegay in Xareed Cali Xareed uu ku guuleystay xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Sheekh Axmed Maalin waxa uu ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, kaddib markii cod gacan taag ah uu ku helay 57 xubnood, mana jirin cid kale oo la tartamaysay.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iminka ah kuwa dhameystiran, iyadoo isla maanta loo dhaariyay xilka loo doortay.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji oo Islii Ka Dhacay”Sawirro”

Next Post
Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji oo Islii Ka Dhacay”Sawirro”

Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji oo Islii Ka Dhacay"Sawirro"

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In