Illaa 8-musharax oo u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa manta la filayaa in ay hortagaan Baarlamaanka,si ay u jeediyaan khudbado ku aadan waxqabadkooda,gaar ahaan arimaha siyaasadda,bulshada iyo dhaqaalaha.
Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa maalinimadii shalay soo bandhigay jadwal ku saabsan in 3-qeyb oo min sided ah loo qoesheeyay khudbadaha musharixiinta oo manta ka bilaabanaya Baarlamaanka.
Musharixiinta manta soo gudbinaya khudbadahooda waxa ay kala yihiin
- Axmed Maxamed Cabdi
- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabd
- Bashiir Raage Shiiraar
- Jibriil Ibraahim Cabdulle
- Xasan Sheekh Maxamuud
- Saciid Cabdullaahi Deni
- Saciid Ciise Maxamuud
- Shariif Sheekh Axmed.