Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo maalintii labaad wada qaybinta Zakaatul-Fidriga

Idman Yahye by Idman Yahye
9 months ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo maalintii labaad wada qaybinta Zakaatul-Fidriga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H – 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation .
Maanta, oo ah maalinta labaad ee mashruuca, ayaa qaybinta si habsami leh u socotay, iyadoo la gaarsiiyay deeqaha xarumaha agoomaha, dadka nadaafadda ee ku nool Isbitaalka Martini, iyo qoysaska danta yar ee ku nool degmada Garasbaaleey ee gobalka Benadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaybinta maanta waxay sii xoojisay dadaallada lagu yareynayo culeyska nololeed ee qoysaska danyarta ah, iyada oo la xoojinayo farxadda maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga. Dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa muujiyay dareen mahadnaq iyo farxad, iyagoo uga mahadceliyay hay’adaha iska kaashanaya gargaarkan naxariista leh.

Related posts

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

January 6, 2026
Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

January 6, 2026

Mashruucan oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, wuxuu sii adkeynayaa kaalinta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga cuntada, caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha. Hay’adda Al-Mahaasin Foundation waxay mar kale bogaadinaysaa Xarunta Boqor Salmaan dadaalkooda joogtada ah iyo taageeradooda deeqsinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu wax badan ka tari doono baahiyaha nololeed ee qoysaska dantayarta ah.

 

Previous Post

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚.

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daawo ku wareejiyay Maamulka Cadale

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

January 6, 2026
0

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia Reaffirms Firm Support for One-China Principle

January 6, 2026
0

The Federal Republic of Somalia reaffirms its firm and consistent adherence to the one-China principle. Somalia recognizes that there is...

Somali FM Addresses AU PSC on Threats to Somalia’s Territorial Unity

Somali FM Addresses AU PSC on Threats to Somalia’s Territorial Unity

January 6, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Tuesday in an emergency virtual session...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

AU Peace and Security Council Condemns Israel’s Recognition of “Somaliland”

January 6, 2026
0

PEACE AND SECURITY COUNCIL 1324TH MEETING (AT MINISTERIAL LEVEL) 6 JANUARY 2026 ADDIS ABABA, ETHIOPIA PSC/MIN/COMM. 1324 (2025) DRAFT COMMUNIQUÉ...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In