Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa ka qabsoomay shir uu guddoominayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulayman Maxamed, kaasi oo ay ka qayb-galeen dhammaan ku-xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha Xafiiska XXGQ.
Shirka oo ujeedkiisu ahaa warbixin kala qaadasho ku saabsan guulihii la gaaray iyo caqabadihii la la kulmay sanadkii tegay ee 2023 iyo sidoo kale dar dargelinta hawlaha kala duwan ee uu xafiisku bulshada u hayo maadama uu hadda bilow yahay sanadka cusub ee 2024.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa kula dardaarmay Xeer Ilaaliyayaasha iyo Agaasimayaasha Xafiiska in bulshada loogu adeego si hufan oo caddaalad, ixtiraam, soo dhoweyn iyo qancin ku dheehantahay.