Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hay’adaha dowladda uga digay in ay iska sameystaan warqado canshuurta lagu qaado oo aan loo marin hab sharci ah, isagoo xusay in ciddii lagu hela laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Waxbadan waxaan aragnaa in la iska garab maro tariifada dadka laga qaadayo, taas waxaa gooya Wasiirka Wasaaradaasi oo u gudbinaya golaha Wasiirada oo iyagu meel marinaya, marka Wasiir ama mas’uul kaligiis ma sameyn karo tariifo, sharcina ma nonoqneysa, waxaan ognahay in meelo badan lagu qaado lacago aan sharci ahayn, hadaba hadii ay dhacdo tariifo aan sharciga waafaqsaneyn laga qaadi doono ciddi lagu hela” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay akoono ka furtaan bankiga dhexe oo ah halka laga ogaan karo in daqligaasi uu yahay mid gacanta dowladda ku jirta.

“Cid lama ogolaan doono in uu jeebka ku rito lacaga canshuurta ee dadka laga qaadayo, lacagaasi dadka wax lagaga qaaday, waa in dadku loogu adeegaa oo aan lagu dhibin lacagaha uu ku rabay in shati uu goosto, mana ogolaaneyno in qofkasta oo Wasaaradda u shaqeeya in muwaadinka lagu dhibaateeyo, waxa ay xaq  u leeyihiin oo ah inay helaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, qofka sharci soo maranaya aan lagu xujeynin in lacago laaluush laga qaato”

Dowladda waxa ay ugu talagashay howlwadeenada hay’adaha dowladda in bulshada ay  u adeegaan ee ma ahan in dhibaato loo geysto oo laga qaato lacago laaluush ah, ciddii arrintaasi lagu helana waxa ay dhaawaceysa sharafkiisa, ciqaabna wuu ku muteysan karaa.

“Hay’adaha dowladda akoono kama furan karaan bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay sida Dahabshiil iyo meelo kale, waa in la xoojiyaa bankiga dhexe, ciddii lagu hela in shirkad gaar ah ay akoono ka furato laga qaadi doono talaabo sharci ah, ciddii lagu hela waa fal dambiyadeed”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa milkiilayaasha Bajaajleyda ka howlgasha magalada Muqdisho ugu baaqay in ay u hogaansamaan sharciga iyo nidaamka,  si looga fogaado inay si sharci darro ah ku shaqeystaan.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka oo ka hadlayay cabasho ay qabaan wadayaasha bajaajka ayaa sheegay in marka hore looga baahanyahay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ka digtoonaadaan inay si sharci darro ah ku shaqeystaan.

“Horta arrinta Wasaaradda gadiidka ayay u taalaa, waana hubaa in ay u sameysay sharciyo lagu hago, haddiise ay jirto cabasho ku aadan in lagu kordhiyay waxyaabo aan waajib ku lahayn, xaq ayay u leeyihiin, laakiin haddii aysan dacwoon oo aysan dhibkooda sheegan, dhibka wuu ku soconaya, iyagu ha bixiyeen oo kaliya waxa xaqa loogu leeyahay, oo ay iska ilaaliyaan inay si sharci darro ah ku shaqeystaan, waayo maalintii toban cusub ayaa magaalada soo galeysa, iyaga oo aan wadin sharciyadii ay ku shaqeyn lahaayeen”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay bixiyaan canshuurta xaqa loogu leeyahay, isla markaana ay ogaadaan in bixinta canshuurta ay qeyb ka qaadan karto horumarka dalka.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/Xeer-Ilaaliyha-Guud-ee-Qaranka-.mp3

 

 

 

Previous Post

Madaxda Qaranka oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka

Next Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In