Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Soo Saaray Digniino Ka Dhan Ah Musuqa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 31, 2020
in Wararka
0
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Soo Saaray Digniino Ka Dhan Ah Musuqa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer-ilaaliyaha Guud  ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay  kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay’ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday sheegay in fatashaad lagu sameeyay Xarumo Dowladeed oo kala duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Kaluumaysiga  iyo Wasaaradda Warfaafinta, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay’ado gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Hoteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada  barista.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarnaka Dr Salmayn ayaa intaas kadib Dagniin u diray Wasiirada Dowladda, Agaasimyaasha guud ee Wasaaraddaha, Agaasimayaasha maamulka iyo Maamliyadda, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha  kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadan daoonan dayacaad kasta oo  ku timaada xafiisyada ay masuulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka.

“‘Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa Agaasinka maamulka iyo maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adahaDawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in lagarab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii  Wasiir, Wasiiru dawle, Wasiir ku-xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya  uu ku siiyo  amar khilaafsan habraacyada maaliyeed waa in uu ka dalbadaa masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan

Siodoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa intaas  ku daray “Waa in Wasaaradahu ka fogaadaan in ay la tacaamulaan shirkado aan lahayn  jiritaan sharci ah oo aan xafiisyo iyo adeegyo muuqda aan bixin, waa in saraakiisha Dawladdu ay ka dheeraadaan in ay samaystaan shirkado gaar ay u leeyihiin ama ay saami ku leeyihiin oo adeeg-siinaya isla xafiiska uu ka shaqeenayo Saraakiishaas si looga fogaado ku danaysi Xafiis Dowladeed. Waxaa la farayaa Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha  kale ee Maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya in ay u hogaansamaanay ayna raacaan Xeerarka Maaliyada, Habraacyada iyo Haggista joogtada ah ee uu bixinayo Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo hay’adda FRC iyada oo ganacsatadu maskaxda ku haynayaan in ay hay’adda FRC aysan xaq u lahayn in ay xayiraad kaligeed ku samayso akoono shakhsiyadeed iyo mid ganacsi oo ay leeyihiin mawaadiniin Soomaaliyeed, iyada oo aan la soo ogaysiin Xafiiska Xeer ilaaliya Guud lana helin waaran Maxkamadeed oo lagu xayirayo akoonadaas, si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed”

Dhinaca Kale, Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo baarista  kiisas kale oo musuq-maasuqa oo ay ku lug leeyihiin Wasaarado iyo hay’addo kale oo Dowladeed, Safaarado Soomaaliyeed, Shirkaddo ganacsi, Degmooyinka ka mid ah Gobolka Gobolka Banaadir. Xawaalado, hay’addo iyo shirkaddo u shaqaysta hab maaliyadeed oo aan ka diiwaan gashanayn shatina ka haysanin Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo aanan bixin canshuuraha ku waajibay, marka ay baaritaankaas oo dhami soo gabagaboobaan ayuu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud sheegay  in uu horkeeni doono Maxkamadaha awooda u leh si loo maxkamadeeyo ciqaabaha ay mutaystaana loo marsiiyo.

Ugu, Danbayntii dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka mid yihiin shaqaalaha iyo howl-wadeenada Xafiisyada kala duwan, waxaa la amrayaa in ay soo gaarsiiyaan warbixinada danbiyada musuq maasuqa iyo danbiyada kale qaybaha kala duwan ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo booliska si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Guddoomiyaha Gobolka Ku Daahfurayay Ololaha Talaalka Jadeecada “SAWIRRO”

Next Post

Sii hayaha Xilka RW Iyo Madaxda Wasaaradda Difaaca Dalka Oo Ka Wada Hadlay Dib U Habaynta Ciidamada “SAWIRRO”

Next Post
Sii hayaha Xilka RW Iyo Madaxda Wasaaradda Difaaca Dalka Oo Ka Wada Hadlay Dib U Habaynta Ciidamada “SAWIRRO”

Sii hayaha Xilka RW Iyo Madaxda Wasaaradda Difaaca Dalka Oo Ka Wada Hadlay Dib U Habaynta Ciidamada “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In