Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go’aanka la filayo labada Fibraayo

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay iney India kala hadleen dib u soo celinta maxaabiis Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada bisha Fibraayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay go’aan ka gaari doonto dacwadii dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dr. Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda laga sugayo uu yahay oo kali ah in maxkamadda ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo inkale maadaama dowladda Kenya ay is- hor-istaag ku sameysay dacwada Soomaaliya ay maxkamaddu u gudbisay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Go’aanka labada bisha waxaa uu noqoneyaa oo kali ah in maxkamadda soo saarto in ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo in aysan awood u laheyd oo dib loogu soo celiyo arinta oo labada dowladood ay ka wada hadlaan,”  ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa sidoo kale, ka hadlay dooda dowladda Kenya oo aheyd in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee  labada dowladood kala saxiixdeen 2009kii uu tilmaamayo in muranka dhanka badda ah labada dhinac ay ka wada hadlaan oo aanan loo baahneyn in maxkamad la geeyo arinta.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa u jeedadiisu aheyd in labada dowladood warbixinada la xiriira qalfoof-badeedkooda u gudbiyaan hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha badaha caalamka, isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa heshiiskaas uusana hadda shaqeyneynin.

Dr.Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha qaranka, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya arinta muranka badda tiro ka sadex jeer ah ay ka wada hadleen oo heer wasiir arimo dibadeed isla markaana la isku fahmi waayay taasina ay keenya Soomaaliya ay dacwadda u gudbiyo maxkamadda Cadaalada Caalamka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aanka labada Fibraayo ay soo saari doonto maxkamadda uu noqon doono mid ka farxiya dadka Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya maxkamadda horgeysay cadeymo biyo kama dhibcaan ah.

Previous Post

Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro

Next Post

In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

Next Post
In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In