Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
12 months ago
in Wararka
0
Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday dowlad gobolleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo ururrada bulshada rayidka. Kulankan ayaa lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhiimadda wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’adaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka, oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka. Guddigan wuxuu kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad-sameeyga ah.

Previous Post

Shir ku saabsan dardargelinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho 

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In