Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Akhrinta Koowaad Marsiiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda Dowladda Ee 2020

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxa ay Xildhibaannada Akhrinta koowaad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay dhowr su’aalood oo ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda ee sanadlkan.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ‘’Qoloocow’’ ayaa mudanayaasha uga jawaabayay su’aalaha Xildhibaannadu weydiiyeen ee la xiriirta miisaaniyadda sanadka 2020..

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa u jeediyay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan lacago ka maqan Xildhibaannada Baarlamaankii Sagaalaad.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha ayaa Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo ay xildhibaannada weydiiyeen.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Isbar bardhiga nuqulka Golaha Shacabka iyo nuqulka Golaha Aqalka sare ee Hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Previous Post

Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Oo Dhul Deegaan Ah Siiyey Dad Reer Guuraa Ah “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In