Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Heshiiska Iskaashiga Waxbarashada Ee Soomaaliya Iyo Turkiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Heshiiska Iskaashiga Waxbarashada Ee Soomaaliya Iyo Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee marxuum Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ah saraakiisha sida ah gaarka ugu xilsaaran Amniga xarunta Golaha Shacabka oo ay shalay gacan ka xaqdaran ku dhishay magaalada iyo sidoo kale geerida Hooyadii dhashay Xildhibaan Sacdiya Careys oo dhowaan geeriyootay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha Waxbarashada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” iyo Xildhibaan Sacdiya Salaad oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay Ansixinta heshiiskan.

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaan gelinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Hindise sharciyeedka Qaxootiga, waxaana Xildhibaanada u Akhriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha mudane Isaaq Maxamed Maxamuud oo ay la socdeen mas’uuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacyaasha Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda dhiiragelinta Maalgashiga iyo sidoo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibi ayaa Golaha uga warbixiyay  soo jeedin ay guddoonka golaha u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka soo xiray guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Previous Post

Kulan Lagu Tageeerayay Ra’iisu Wasaare Rooble Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In