Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka qeyb-galay.
Aqoon-iswaydaarsi, kaasoo ay soo qaban-qaabisay, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Barnaamijka Ilaalinta Bulshada (Baxnaano) iyo Waaxda Arrimaha Bulshada. Waxaana kasoo qeyb-galay. Guddiyada Horumarinta Adeegga Bulshada ee labada Golle, Baarlamaanka BJFS. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Wasaaradaha Arrimaha Bulshada,Heer Dowlad-gobolleed iyo Wakiilada Daneeya-yaasha Arrimaha Bulshada.
Aqoon-iswaydaar-sigan ayaa kulmiyay.
Bah wadaagta, Arimaha Bulshada.
Ujeedadiisuna, waxay aheyd,sidii loo hirgelin lahaa, loona sii dardar gelin lahaa Barnaamijka Qaran ee ilaalinta Bulshada (Baxnaano), kaasoo socda Sanadkii 3aad. Maadama, Qoysaskan ay saameeyeen
Abaaraha Dalka kajira iyo Anyaxa. mashruuca Baxnaano ayaa wax badan kataray Noloshooda.