Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS oo booqday dhaawacyada askartii maanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS oo booqday dhaawacyada askartii maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo qaaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee  BJFS ayaa booqday isbitaalka xoogga dalka Soomaliyeed, halkaasi oo lagu dabiibayay askartii ku dhaawacantay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday ciidanka14ka Oktoobar ee ku sugnaa kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Abshiroow ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku jireen dhaawacyada ciidanka, isagoo ka xog wareesanayay dhakhaatiirta xaaladda caafimaad ee askarta ay wax yeeldu ka soo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Waxa uuna alle u weydiiyay inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa ku irsaaqo

Intaas kadib guddoomiyaha oo ay wehlinayeen Xildhibaanno iyo Sanataro matala askartii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii is miidaaminta ahaa ayaa tagay halka ay masiibadu ka dhacday ee xerada Jaalle Siyaad ee Muqdisho, waxa uuna la kulmay taliyaha ciidamada dhulka si uu wax uga ogaado sida ay wax udhaceen.

Taliyaha ayaa guddoomiyaha iyo Xildhibaannada labada gole ugu warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxa uuna kala hadlay askarta dhaawacyadooda aadka u liita in loo helo Caafimaad dibadda ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaa uu xoogga saari doono sidii wax loogu qaban lahaa askartii ay wax yeeladu kasoo gaartay qaraxaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in arrintaan baaritaan adag lagu sameeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kulan kula qaatay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay masiibadii xanuunka badneed  ee ka dhacday kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu laayay dhallinyaro tababar ku  qaadaneysay xerada, kuwa kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shirka Qaramada Midoobay ee la dagaallanka cunto yarida “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo Geeska Afrika

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo Geeska Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In