Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ayaa ka qeybgalay sanad guuradii 150 aad xilligii la aas aasay Barlamaanka Dalka Masar,iyadoo uu dalkaasi ka socda Shirka Barlamaanka Afrika.
Munasaabadan Sanad guuradii 150-aad ee kasoo wareegatay aas aaskii Barlamaanka dalka Masar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalkaasi Abdi Fitah Al Siisii Gudoomiyaha Barlamaanka Masar,Abdul Asayid Ahmed Gudoomiyihii hore dalka Jabuuti,Dileyte Maxamed Dileyte xildhibaanada Barlamaanada dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto,waxa ay dhamaantooda ugu hambalyeynaayeen sanad guuradan.iyagoo sheegay in Masar ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee Barlamaan sameysta.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in Masar ay sanadkaan marti galisay Barlamaanada Afrika iyo Carabta ay muhiimadayda leedahay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar oo isna ka mid ahaa marti sharaftii ka qeybgalay Munaasabaddan ayaa ugu hambalyeyay Sanad guurada 150 aad ee aas aaskii Dalka Masar.
Dalka Masar ayaa dhawaan ka furmaya Shirka Barlamaanada Afrika oo ay Xaruntiisa tahay magaalada Johannseburg iyadoo ay Sanadkan martiqaaday dalka Masar waxaana loogu hadli doonaa arimo khuseeya Qaaradda Afrika.
C/qaadir Axad, Johannseburg