Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisbullaah oo war ka soo saartay iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay Beyruut

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Xisbullaah oo war ka soo saartay iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay Beyruut
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iskahorimaadyo ay dad ku dhinteen ayaa galinkii danbe ee  Khamiistii ka dhacay magaalada  Beirut ee xarunta wadanka Lubnaan, waxaana dhacdadaas loo xir-xiray dad gaaraya 19 ruux.

Madaxa Xisbiga Xoogagga Lubnaan, Samir Geagea, ayaa Jimcihii sheegay in qof kasta oo ay ku caddaato mas’uuliyadda wixii ka dhacay dibad -baxayadii  Beirut lagu ciqaabi doona.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Waxuu sidokale sheegay  in ka hor int aan Rasaasta lagu ridin dadkii mudaaharaadayay  weerar  lagu qaaday dad ku sugnaa deegaanka Ceeyn Al-Rummaneh, waxana halkaas ku dhaawacmay 4 qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhinaca kale, Urur diimeedka Xisbullaah ayaa sheegay in Xisbiga Xoogga Lubnaan ee uu hoggaamiyo Samir Geagea uu mas’uul ka yahay  waxii kadhacay Beirut.

Madaxa Golaha Fulinta ee Xisbullaah, Haashim Saafi Al-Diin, ayaa sheegay  intii lagu jiray aaska tiro ka mid ah dadkii la dilay Khamiistii, in wixii dhacay ay ahayd mid lagu hurinaayo fidno, taasi oo horseeddi karto dagaal sokeeye oo ka qarxo Lubnaan.

Dhacdadaan ayaa timid ka dib markii Rasaas lala beegsaday  mudaaharaadayaal  ay soo abaabuleen taageerayaasha Xisbullaah iyo dhaqdhaqaaqa Amal, si ay u cambaareeyaan go’aannada Golaha garsoorka ee ku aadan kiiska Qaraxii dekedda Beirut ka dhacay  4, Bishii Agoosto 2020, kaas oo ay ku dhinteen 217 qof ayna ku dhaawacmeen dad gaaraya 7,000.

Previous Post

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo toorey lagu dilay

Next Post

Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Next Post
Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In