Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Xog uruurin kooban oo ku saabsan ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Dowladda oo laga codsaday inay wax ka qabato dhibka lagu hayo Soomaalida ku nool K/Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shacabka  Wadanka Ingiriiska  ayaa afti dad weyne ku go’aansaday in ay ka baxaan Midowga Yurub kadib sedax iyo afartan sano oo ay ka mid ahaayeen. Haddaba go’aankan aanan la filaynin ayaa gilgilay dhamaan dalalka reerYurub isagoo layaab iyo dareen feejignaan leh ku abuuray bulsho badan oo ay ka mid yihiin Soomaalidda heysta jinsiyadda dalalka Yurub ee u soo haajiray Dalkan UK, Waxaa jira su’aalo badan oo ay GSD soo weydiinayeen Soomaalidda heysata jinsiyadda British,ka iyo kuwa ku degan UK jinsiyadda Yurub oo aan jecelnahay in aynu ka jawaabno, inkastoo su’aalo badan hadba jawaabtoodu ay ku xirnaan doonto marka la ogaado nuuca heshiis ee dhexmari doona Midowga yurub iyo dalka Britain marka ay bilabaan wadaxajoodka rasmiga ah ee ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub ee xeerka qodobka 50,aad oo ay adagtahay in la sii saadaaliyo waxa lagu heshiin doono.

Waxan ahay Soomaali British, Visa miyaan u bahnaan doonnaa hadii aan rabo inaan u safro dalalkaYurub?

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

July 25, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

July 25, 2026

Waqti xaadirkan jawaabta waa ‘’MAYA’’ sababtoo ah inta ay UK wada-xajoodka bixitaanka ee dhameystiran kala yeelanayso Midowga Yurub waad u safri kartaa Visa la’aan dalalkaYurub. Waxaa kale oo suurtagal ah in mustaqbalka aanay muwaadiniinta UK u baahan visa inay u qataanYurub, oo waxaa suurtagal ah in Britain la xaajootoYurub oo ay kasii mid ahaato isku socodka xorta ah.

Waxan ahay muwaadin Reer yurub ah oo u soo guuray UK, maxay saameyn ah oo ay igu yeelan doontaa ka bixitaanka UK eeYurub?

Waqti xaadirkan saameyn kugu mayeelan doonto, ilaa ay kazoo baxaan faahfaahinta ku saabsan heshiiska ay isla qaadan doonnaan UK iyo Midowga Yurub oo qaadan kara ilaa laba sanadood. Waxaa kunool UK ilaa 3 milyan oo Reer yurub ah, waxayna u muuqataa in ay sii wadan doonnaan inay ka sii shaqeystaan UK, sidaas si la mid ah waxaa Yurub ku nool 1.2 milyan oo British ah, iyagana waxaa suurtagal ah in ay dalalkaas ku sii nooladaan, ayna arrimahooda heshiis ka garaan UK iyoYurub.

Waxan ahay muwaadin Reer yurub ah balse waxan isqabnaa muwaadin British ah, haddaba maxay bixitaanka UK sameyn igu yeelan doontaa?

Waqti xaadirkan uma muuqato inay saameyn kugu yeelan doonto, waxaa jira muwadiniin kale oo British oo sidaas oo kale ay isku dhaxeen kuwa Reer yurub, sidaas daraadeed waxay saasaantu u egtahay in aysan ku saameyn doonin inkastoo wax kasta ay ku xirnaan doonnaan hadaba heshiiska UK iyoYurub ay gaaridoonaan.

Kaarkayga caafimaadk Yurub ee loo yaqaano (EHIC) ma isii shaqeeyn doonnaa hadii aan ku xanuunsado wadanka mid ah yurub,oo ma heli doonnaa daryeelk acaafimaad ee hadda la ii ogolyahay?

Waad sii isticmaali kartaa kaarkaaga caymiska caafimaadka ee Yurub (EHIC) ilaa iyo inta wada xaajoodka xeerk aqodobka 50,aad laga hirgalinayo, kaasoo xaqiijin doona xiriirka cusub ee dhanka gacansiga, caafimaadka, gashaandhiga iyo isku socodka dadk aee UK iyo Midowga Yurub. Inta ka horeysa waad sii isticmaali kartaa.

Waxan ahay muwaadin Reer Yurub ah oo isaga iyo xaaskiisa oo jinsiyada Yurub heysta isla degan UK, haddaba maxaa saameyn ah oo ay igu yeelan doontaa go’aanka ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub?

Lama sii ogaan karo ilaa ay kazoo baxaan faahfaahinta buuxda ee heshiiska UK iyoYurub dhexmari doonaa ee Qodobka 50,aad ee xeerka ka bixitaankaYurub, inta ka horeysa, waxay u muuqataa in ay si caadi ah ugu sii noolaan kartaan UK.

Zakariya Hussein

Global Somali Diaspora

London

 

 

 

Previous Post

In ka badan 70 kun  Tahriibayaal ah oo gaaray Taliyaaniga bilihi u dambeeyay

Next Post

Maxamed Cabdulle Wardheere oo codsaday  in gurmad loo fidiyo “SAWIRRO”

Next Post
Maxamed Cabdulle Wardheere oo codsaday  in gurmad loo fidiyo “SAWIRRO”

Maxamed Cabdulle Wardheere oo codsaday  in gurmad loo fidiyo “SAWIRRO”

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

Wasiirka Deegaanka XFS oo Dhuusamareeb ilaa Gaalkacyo ka wada ololaha doorashada qof iyo codka ee Galmudug

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa 18-kii July 2026 gaaray...

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqal Sare oo shir guddoomiyah kulanka Guddiga Joogatada ah

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare,...

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo IGAD oo daahfuray tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo IGAD oo daahfuray tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya, kaas oo ay ka...

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In