Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo Iran ku eedeeyay in ay hoy siisay al-Qaacidda

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo Iran ku eedeeyay in ay hoy siisay al-Qaacidda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta sheegay in hoyga cusub ee al-Qaacidda uu hadda yahay Iran, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeymo ah, eeddaas oo Iran si dhakhs badan u beenisay.

Pompeo ayaa xusay in al-Qaacidda xarunteeda dhexe ku taala Iran halkaas oo ay ku sugan yihiin horjooge Ayman al-Zawahiri iyo ku xigeenadiisa. Sheegasha xoghaye Pompeo waxaa shaki geliyo hey’adaha sirdoonka iyo qaar kamid ah xubnaha Congress-ka.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

“Al-Qaacidda hoygeeda cusub waa jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran,” Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay naadiga saxaafadda qaranka (National Press Club) ee magaalada Washington.

Waxaa uu intaas ku daray in Iran ay noqon doono Afghanistanta cusub, maadaama buuraleyda wadankaas ay hadda ku dhuumaaleysanayaan al-Qaacidda.

Xoghayaha xilka ka degaya, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in xukuumadda Tehran caddaadis la saaro inkastoo uu ka gaabsaday in uu ku baaqo talaabo militiri oo ka dhan ah Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Jawaad Zariif ayaa xoghaye Pompeo ku eedeeyay in uu sameeyay been abuur, qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu ku dhaleeceeyay hadalka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Hadalka Pompeo waxaa uu u taagan yahay in Mareykanka awood ciidan u adeegsan karo Iran, maadaama uu jiro sharci soo baxay 2001 oo sheegaya in ciidanka Mareykanka howlgal ka sameyn karaan meel kasta oo al-Qaacidda lagu sheegay caalamka.

Sheegashada Pompeo waxay maamulka Trump u ogolaan kartaa in uu weeraro Iran isagoo aan wax ogolaansho ah uga baahneyn Congress-ka.

Hase ahaatee, congress-ka ayaa meel mariyay qaraar sheegaya in Trump uusan talaabo ka qaadi karin Iran ilaa uu ogolaansho ka heley golaha wakiilada ka dib dilkii Janaraalkii reer Iran ee Qaasim Suleymaani ee la dilay sanadkii hore ee 2020.

Trump sideed maalin ayaa uga hartay muddo xilkeedkiisa, khubarada waxaa ay ka walaacsan yihiin in madaxweyne xilka ka degaya uu qaadi karo talaabo aan laga fiirsan oo ka dhan ah Iran.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo dilay horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab

Next Post

Dalka Malawi labo wasiir oo COVID-19 ugu geeriyootay

Next Post
Dalka Malawi labo wasiir oo  COVID-19 ugu geeriyootay

Dalka Malawi labo wasiir oo COVID-19 ugu geeriyootay

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In