Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Brussels

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, March 22, 2016 – Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka argagaxiso ee ka dhacay maanta caasimadda Brussels ee dalka Belgium.

Waxaa dhab ah, in argagaxisadu ay u beegsaneyso dadka rayidka ah si bahalnimo ah oo marna aan cafis geli karin, waa tilmaan weyn oo tusineysa heerka ay ka gaareen bani’aadanimo-xumo iyo xushmad darro .
rabshad kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah waxaa loola jeedaa in la aragagaxiyo iyaga iyo qarankooda , gebi ahaan waa wax baas oo shar ah .

Related posts

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag uga shaqeyneysaa dhabar-jebinta argagaxisada gudaha xuduudeena iyo gobolka intiisa kale . argagaxisadu waa goodin khatar ku ah dunida, oo si adag u saameeyay muwaadiinta Soomaaliya iyo Belgium , sidaa darteed waxaan barbar taagannahay,isbaheysina la nahay Shacabka iyo Xukuumadda Belgium . waxaan la qeybsaneynaa tiiraanyada iyo dhibta gaaray saacadaasi mugdiga ah.

Waxaan tacsi u direynaa qoysaska,saaxiibada iyo kalgacalka dhammaan dhibanayaasha rayidka ah ee uu saameeyay falkaasi murugada leh ee sharta ahaa.

Weerarada argagaxisada ee aan macnaha laheyn marna tabar darri iyo cabsi gelin uma keeni doonto Shacabka iyo Xukuumadda Belgium, ee waxa ay xoojin doontaa oo ay mideyn doontaa jawaab-celinta adduunka uu ka bixiyo falkaasi dambiga weyn ee argagaxiso .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la leedahay Belgium xiriir laba geesood aad u xoogan , waxa aanu hiigsaneynaa iskaashi balaaran oo dhinacya badan leh oo labada dal dan wadaag u ah oo ay ka mid ah tahay amniga .

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Beledwayne “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Hay'adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In