Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u howlgelisay Shabakadda Hindisaha Daahfurnaanta Dowladda+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo dib u howlgelisay Shabakadda Hindisaha Daahfurnaanta Dowladda+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

 Dib u Howlgalinta Shabakadda Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda (OGI) Ayaa ah mid lagu so bandhigaayo xogta shaqo iyo waxqabadka wasaradaha dowladda,kaasi oo loogu talagalay in bulshada loo soo bandhigo,sida waxqabadka qaab  dhismeedka sharciyada Shaqalaha,mashaaricda iyo macluumaadyo kale oo ay bulshada u hayaan hay’adaha dowladda.

Ujeedada barnaamijka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa la xiriirta islaxisaabtanka shacabka iyo hay’adaha dowladda,si loo abuuro jawi wadashaqeeneed ee dhexmara labada dhinac.

Agaasimaha Guud Wasaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh yuusuf Al-cadaala Ayaa sharaxay Ahmiyadda dib u howlgalinta shabakadan Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda OGI ,iyadoo ay ka qeybgaleeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo madax kala duwan oo ka kala socoday wasaaradaha iyo qeybaha bulshada.

“Marka koowaad barnaamijka waxaa loo baahday markii la dersay baahiyaha loo qabo in uu jiro farqi u dhexeeya dowladda iyo shacabka,taasi oo ku saabsan in shacabku ay ogaadaan waxyaabaha ay dowladooda u haysto waa taasi barnaamijkan ahmiyadiisa”. Ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Siihayaha Wasiirka warfaafinta ahna Wasiir kuxigeenka Xildhibaan C/raxmaan Iidaan Yoonis oo si rasmi ah u daah-furay shabakaddan ayaa sheegay in lagu so bandhigi doono waxqabadka dowladda.

“Waxaa lagu soo bandhigi doonaan xogaha kala duwan sida siyaasadda,amniga dhaqaalaah,Miisaaniyadda Sharciyada,si ay halkaasi ugala socdaan macluumaadyada hay’adaha dowladda,Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay abuuraysaa jawi isla xisaabtan dowladda iyo Shacabka ah’. Ayuu yiri Wasiir Iidaan.

C/llaahi Xaamud Maxamed Wasiiru dowlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda laga leeyahay arrintan oo ay hirgelisay Xukuumadda Soomaaliya.

“Hadii shacabka aanay waxba ka ogayn wixii dowladdu ay u qabanaysa,ama  ay qabanayso wasaaradda diinta, Beeraha ama Gargaarka iyo wasaaradaha kale, marka hadii qofku aan waxba la socon wax fikrad ah ka ma haysan karo, aduunyada dhan ayaya ka jirtaa”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiisa R/wasaaraha Xaamud.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa faah faahiyay shaqooyinka muhiimka ah oo ay dowladda u hayso shacabka.

“Xili oo muhiim ah oo xasaasi ah ayaan ku guda jirnaa xagga guud ahaan hanaanka geedi socoda dowladnimo,waxaa ay dowladda Soomaaliya ay haysaa howlo muhiim u ah dalka oo masiiri ah,waxaana kamid ah howlahaasi dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Qorshahan Shanakadda OGI ayaa qeyb ka ah dadaallo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku abuurto jawi wadashqeyneed iyo isla xisaabtan dhexmara hay’adaha Dowladda iyo shacabka ay u adeegayaan.

 

Previous Post

Yariisoow; oo boqaday xarunta Degmada Xamar Weyne oo ay buuxdhiifiyeen Roobki ka da’aday Muqdisho

Next Post

“Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya” Hooyo+Sawirro Murugo leh

Next Post
“Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya” Hooyo+Sawirro Murugo leh

"Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya" Hooyo+Sawirro Murugo leh

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In