Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ayaa markale guul ka gaaray tartanka cayaaraha ee Maamul Goboleedyada ee ka soconaya Muqdisho, waxaana Xulka Gobolka Benaadir uu noqday Xulkii ugu horeysay ee u soo baxda wareega afar dhamaadka, kaddib markii ciyaartii galabta ay 3-0 uga badiyeen xulka kubadda cagta ee Galmudug.

Ciyaartoyda Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ciyaar ay xirfadeeda sareysay oo ay jecleysteen dhamaan intii ka soo qeyb gashay, waxaana ay afka ciidda u dareen Xulka Galmudug.

Related posts

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026

Intii cayaartay socotay ayaa Ciyaartoyda Xulka Galmudug waxaa kaarka cas laga siiyay ciyaaryahan u sitay Nambarka 6aad, kaddib markii kubad ku sii socotay goosha, oo soo dhaaftay goolhayaha uu gacan ku soo bixiyay, taasoo garsooraha uu kaarka cas ku siiyay, isla markaana rigoore ama gool ku laad laga dhigay ay Xulka kubadda Cagta Gobolka Benaadir u badaleen gool.

Xulka kubadda cagta ee Banaadir ayaa 6 dhibcood ugu soo gudbay wareega afar dhamaadka ee tartanka, waxaana labo ka mid ah u dhaliyay Xulka Gobolka Benaadir cayaaryahan lagu magacaabo Cabdimajiid Cismaan, halka goolka saddexaad uu dhaliyay Maxamed Cismaan.

Maalinta berri ah waxaa wada ciyaari doona ciyaartoyda matala Maamul goboleedka Puntland iyo Hirshabeelle, inkastoo Hirshabeelle ciyaartii hore laga soo badiyay, halka Puntland ay ciyaarteeda u horeysay ee tartanka berri ciyaari doonto.

Previous Post

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe "SAWIRRO"

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

July 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In