Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuseen Axmed Colaad” Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto”,(Warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hagardaamada iyo ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta Al-shabaab ma joojin howlgallada ka dhanka ah  ee lagu dabar-jarayo, kuwaas oo hadda si dardar leh uga socda deegaannada fara ku tiriska ah ee ay weli kusii dhuumaalaysanayaan.

Xuseen Axmed Colaad waxa uu qoriga u qaatay ka dhiidhinta dhibaatooyin loo geystay qoyskiisa oo kooxaha argagixisada ah ay ka dhaceen dhammaan xoolihii ay lahaayeen.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

February 5, 2026

“ Waxay ii geysteen dhiibaato badan, xoolihii adeerkey wey dhaceen, bil kasta waxaa laga qaadaa baad iyo waxyaabo aan macquul ahayn, waxaana maanta qoriga u soo qaatay inaan ka dhiciyo waalidkey iyo awoowahay xoolihii laga qaatay inaan kasoo dhacsado Al-shabaab, anigoo u dagaalamaya ciidamada deegaanka, halkan waxaan ka soo jeedinayaa, anigoo ku hadlaya Afka Macaawisleyda in la iska dhiciyo nimankan waxaan xabad ahayn malahan,”.

Ganeey Colow wuxuu Lixaadkiisa ku waayay dagaal uu la galay kooxda Khwaarijta welina waa uu sii baacsanayaa, sidoo kale, halgamaa Ganeey wuxuu qeyb ka ahaa saraakiishii hoggaamineysay duulaankii  lagu xorreeyay degmada Ceeldheere iyo deegaanno hoos yimaado sida Masagawaa.

Warbaahinta qaranka ayaa ku booqatay difaacyada hore ee Masagawaa, wuxuuna sheegay inuusan marnaba joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Kooxda argagixisada ah ilaa laga xorreeyo dalka oo dhan.

“ Meel ay ka taliyaan Al-shabaab, sheydaamintaas Khawaarijta ah iyo cid ay u taliyaan  iyo cid ay baad ka qaadaan ma jiri doonaan inshallah inta ay naf nagu jirto, aniga dhaawacooda ayaan qabaa, cabsi-doodana ima hayso cawana kuma seexan maalina kuma seexan, haddana kuma joogo, waxaan leeyahay marka walaalayaalow walaal ma tihiinee waraabaa tihiin ummaddan loo soo dirayee, meeshii aad ka timadeen aada, dalkan iyo dadkan dadkii lahaa waa ay kaceen, madaxweynihii wuu ku dhiirageliyay dalkan in laga xorreeyo Khawaarij,”.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la ciribtiro Khawaariijta uu ku daray ficil , taasina ay sabab u noqotay in la wiiqo awoodii kooxda oo goobihii laga saaray dhammaantood ka dhigtay meel asaagood ka haray oo ay ka muuqdaan burbur iyo baaba’.

“ Waxaan Allaah (SWT) uga mahadcelineynaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ficilka iyo qowlka oo uu iswaafujiyay, madaxdii ka horeysay waxay dhihi jirtay waa lala dagaallaa Al-shabaab, waxay ka ahayd Af, laakiin isaga wuxuu ku daray Ficil,”.

Dhanka kale, Ganeey wuxuu wacad ku maray in ay sanadkan ku soo afjari doonaan Kooxaha Khawaarijta ee ku sugan bariga gobolka Galguduud iyo guud ahaan dalka.

“ Bilaha soo socda sanadkan, bilaha ugu horeeya, waxaana rajeynayaa in meel ay ka taliyaan iy cid ay u taliyaan iyo cid ay baad ka qaataan Al-shabaab in aysan dhici doonin, inta ay naf nagu jirto, Illaahayna waxaan ka rajeyneynaa mar walba nasriga iyo guusha inuu na siiyo, waana nasiinayaa waana helaynaa, maxaa yeelay waxaan ku taagannahay xaqa,” ayuu yiri Ganeey.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka waxay sabab u noqdeen in cagta la mariyo saldhigyadii ugu waa weynaa ee Kooxda Khawaarijta ay ku lahayd gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug, iyo qeybo badan oo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Previous Post

Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shir uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha Hoggaanada Isgaarsiinta iyo Saadka ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha Hoggaanada Isgaarsiinta iyo Saadka ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha Hoggaanada Isgaarsiinta iyo Saadka ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026:  — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

February 5, 2026
0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer shaqo ku tagay Suuqa Xoolaha iyo xeryaha ay ku nool yihiin...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

February 5, 2026
0

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran...

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In