Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Xuseen Ceelaabe wuxuu ahaa Qaamuus ka baxay Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Xuseen Ceelaabe wuxuu ahaa Qaamuus ka baxay Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaa uu ku dhashay magaalada Seylac ee gobolka Awdal, halkaas ayuu ka bilaabay waxbarashada, Dugsigii Qur’aanka, 1947-dii ayuu galay waxbarashada aas- aasiga oo ku soo dhammeystay gobolada waqooyi.

Geeridiisa ka hor mar uu ka faalooday biloowgii waxrashadiisii waxa uu yirri”  iskuulka waxaa gacantiisa igu qoray Sheekh Cabdirahmaan Qaadi aad baan u gaabnaa, waxaa igu wargaliyey inaan da’dii iskuulka gaadhin Macalin Xasan  Allatuug oo ardayda qorayay, Waxbarashada oon aad u jeclaa aawadeed daaqada fasalka ayaan subixii soo joogsan jiray laba maalmood ayuu isha ila helay Cabdirahmaan Qaadi  Maalintaa ayuu go’aansaday inuu ii qoro iskuulka isagoo agabkii waxbarashada dhammaan iguddoonsiiyey”

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Waxaa uu ka mid ahaa dhowr qof oo lagu aas aasay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya 1963-dii markaas oo Wasaaraddu aheyd xafiis hoostaga Ra’iisul wasaarihii Xukuumaddii rayidka.

ka hor shaqada Waxbarashadii koowaad ee Jaamacadda waxaa uu ku soo qaatay Makareri Collage, markii uu bilaabay shaqada waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee loo qaaday Mareynkanka aqoon kororsi ahaan sida uu ii sheegay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo ay isla soo shaqeeyeen in ka badan 30 sano.

”Waxa uu ahaa qof shaqo jecel, shaqada wuu inooga soo horumari jiray, waana uu nooga dambeyn jiray, waxaa uu ahaa Macalin na dhiira galiya oo shaqada nala qabta, wuu af gaabnaa waxaa uu ahaa Soomaali aanay u kala soocneyn dadkiisa” ayuu yiri Prof. Qaloocoow

1963-dii aas aaskii Wasaaradda Qorsheynta xiligii dowladdii rayidka ilaa dowladii Milatariga burburtay 1991 dhammaan mashaariicdii waa weyned ee dalka laga hirgaliyay oo aan qoraal lagu koobi karin waxaa uu u ahaa laf dhabar Allaha u naxariistee Wasiir Ceelaabe.

Aqoonyahanadii la soo shaqeeyay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa aabihii tirikoobka Soomaaliya (Father of Somali Statistics).

Xilal Wasiir, Xildhibaan iyo heer maamul ayuu ka soo qabtay  golayaashii dowladihii Soomaaliya soo maray, haba ugu badnaadeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda.

Kadib burburkii dowladii Kacaanka waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhabar adeegay ee dalka aan ka bixin waxaana uu la soo shaqeeyay dowladihii ku meel gaarka ahaa iyo dowladaan rasmiga iyo tii ka horeysay.

“Waxaa uu ahaa Qaamuus Qaran, Aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii waa uu la tagay, lagama faa’iidaysan, lama fahmin waxaa uu ahaa Qaamuus kan ugu sareeyo oo laga heli karo eray walba (Encyclopedia) dhulka Soomaaliya meelkasto waa uu yaqaanay taako taako, waxa uu ku sheegi karay meel walba iyo mashruuca ku haboon Xuseen Ceelaabe” ayuu markale hadalkisa ku daray Prof Qaloocoow

Prof:  Xuseen Siyaad oo ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay soo wada shaqeeyeen waxaa uu ku tilmaamay qof mudan xasuus oo lahaa dad isku wadid Soomaalinimaduna ku weyn tahay.

”Allaha u naxariisto Xuseen Ceelaabe wax weyn ayuu ka soo qabtay horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed, intaan ka aqaano waxa uu ahaa nin dad wanaagsan, dadka makala saari jirin, wuu la shaqeyn jiray soona dhaweyn jiray, waxaa uu ahaa hogaamiye (Team Leeder) waxaan rajaynayaa in dowladu qirto kaalintii uu ka soo qabtay dhaqaalaha Soomaaliya oo meel qiimo leh lagu magacaabo si magaciisa jiilka soo korayo ugu daydaan” ayuu yiri Prof. Xuseen Siyaad

Allaha u naxariistee Wasiir Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa uu ka mid noqday dadkii ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho 22 kii May 2019 maalin Ramadaan ah, isla maalinkii xigay ayaa Muqdisho waxaa loogu sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda dalka iyo qeybaha bulshada.

Sida muuqato aqoontii iyo waaya aragnimadii uu lahaa sidii mudneed loogama faa’idin.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaalliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocoow) waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto Aqoonyahanada waaya araga ah ee nool si aanay u lumin taariikhda Ummadda, mas’uuliyad gaar ahna ay  iska saarto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u Duulay Dalka Qatar

Next Post

Head of UN in Somalia strongly condemns murder of UN national staff security officer in Galkayo

Next Post
Munaasabad looga hadlayay Waxqabadka Ciidanka Xasilinta Booliiska Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Head of UN in Somalia strongly condemns murder of UN national staff security officer in Galkayo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In