Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 20-ka Disembar ee Maalinta Ciidanka Boliiska (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2022
in Wararka
0
Xuska 20-ka Disembar ee Maalinta Ciidanka Boliiska (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka.

Related posts

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

August 6, 2025
Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025

Waxaa dhab ah in ay jireen ciidamo Soomaaliyeed oo u baahan in la xuso doorkooda,isla markaana soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii gumeysigii Ingiriiska waxa uu aasaasay  ciidamo Somaaliyeed,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen askartii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada ka dhaca dhulka  baadiyaha ah ee ay sababaan beelaha.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ,waxaana qaarkood ka ay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qabsaday dalka Itoobiya.

Kadib kolii Talyaaniga looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida,Ingiriisku waxa uu sanadihii u dhaxeeyay 1941-1950-kii uu dib u qaabeyb ku sameeyay ciidamada boliiska ee gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed,bacdamaa uu si toos ah gacanta ugu dhigay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mudadii Xoriyad gaarsiinta

 Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.

Xilligii Xoriyadda (1960)

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqabadka ciidanka Boliiska

 Ciidamada Boliiska ee Soomaaliya waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waajibaadka qaran ee ay ku howlgalaan ciidanka waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,sidaa daraadeed,waxaa kamid ah howlahooda 1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka.

 Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska sanadkaan oo ku began sanadguurada79-ad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska ciidamada Boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,waxaana shacbiga Soomaaliyeed xilligaan ka muuqda sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Boolisku waa cududda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale,Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Previous Post

Senior Al-Shabab commander and three militants surrender to Somali Government Forces

Next Post

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay 600 oo shabakadood kuwaas khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan

Next Post
Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay 600 oo shabakadood kuwaas khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay 600 oo shabakadood kuwaas khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

August 6, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay...

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya ayaa safar shaqo iyo aqoon kororsi ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In