Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (8-dda Maarso)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 8, 2022
in Wararka
0
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (8-dda Maarso)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jira dunida.

Waxaa usweydiin mudan,kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay maalinta 8-dda Maarso?.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Aasaaskii 8-dda Maarso

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa ay soo ifbaxeen dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ah. 1-halganka  xoogagga shaqeeya ee haweenka ay  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ka soo qaateen aqoonsiga maalintaasi.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada maanta.

Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen  wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Xilligii Xoriyadda

Waloow, dumarka wax bartay ay aad u yaraayeen,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa  ay ku  guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

  Xilligii Kacaanka

Kacaankii uu hoggaaminaayey mileteriga dalka oo mabd’a ahaan ku dhisnaa nidaamka hantiwadaagga ,waxa uu haweenka u aqoobsaday udub-dhexaadka bulshada iyo in ay yihiin muraayad  laga daawado horumarka dhaqan dhaqaale ee ay ku tallaabsadeen dunidaan casriga ah.

Burburkii kadib

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Inkasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa lagama maarmaan ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka.

Gabagabadii ,waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa ururada haweenka caalamka oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.

W/qoray Shiroos

Previous Post

Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay 3 kursi

Next Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo amartay in aan dhusamareeb lala soo geli karin hub sharci darro ah

Next Post
Tartanka Hibada iyo Hal-abuurka oo Dhuusamareeb laga daah furay

Wasaaradda Amniga Galmudug oo amartay in aan dhusamareeb lala soo geli karin hub sharci darro ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In