Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka Dalkeenna oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka Dalkeenna oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn u maamuusay maalinta dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo sanad walba la xuso maanta oo kale, waxeyna Wasaaradda oo fulineysa hindisaha Madaxweynaha ee ahaa in hay’adaha dowladda ay hormuud u noqdaan ka shaqeynta Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran ay munaasbadda kusoo bandhigtay qorsha howleedkeeda ay sida qaaska u xilsaarantahay ee ku aadan dhireynta dalka Iyo ka hortagga xaalufinta dhirta oo laga dhaxlo nabaad-guur xooggan oo saameyn weyn ku yeesha nolasha dadka iyo deegankaba.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay in yaga oo tixraacaya hindisaha Madaxweynaha Soomaaliya ee ah Soomaaliya Cagaaran ay ka shaqeyn doonaan dhireynta dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajira loo ilaaliyo Dhirta, maadaama ay muhiim u tahay noolaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Aadan Maxamed Cali oo munaasbadda soo xiray ayaa sheegay inuu qorshahoodu yahay inay sanadkan gudihiisa beeraan Hal milyan oo geed.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud iyo agaasimo waaxeedyada Wasaaradda ayaa si ay maalintan u weyneeyaan waxey dhir beeris ku sameeyeyn qaar ka mid ah Jaamacadaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iyo isla xaruunta Wasaaradda oo ay ku beereyn in ka badan toban kun oo geed.

Previous Post

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka

Next Post

Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In