Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka Dalkeenna oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka Dalkeenna oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn u maamuusay maalinta dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo sanad walba la xuso maanta oo kale, waxeyna Wasaaradda oo fulineysa hindisaha Madaxweynaha ee ahaa in hay’adaha dowladda ay hormuud u noqdaan ka shaqeynta Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran ay munaasbadda kusoo bandhigtay qorsha howleedkeeda ay sida qaaska u xilsaarantahay ee ku aadan dhireynta dalka Iyo ka hortagga xaalufinta dhirta oo laga dhaxlo nabaad-guur xooggan oo saameyn weyn ku yeesha nolasha dadka iyo deegankaba.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay in yaga oo tixraacaya hindisaha Madaxweynaha Soomaaliya ee ah Soomaaliya Cagaaran ay ka shaqeyn doonaan dhireynta dalka.

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajira loo ilaaliyo Dhirta, maadaama ay muhiim u tahay noolaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Aadan Maxamed Cali oo munaasbadda soo xiray ayaa sheegay inuu qorshahoodu yahay inay sanadkan gudihiisa beeraan Hal milyan oo geed.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud iyo agaasimo waaxeedyada Wasaaradda ayaa si ay maalintan u weyneeyaan waxey dhir beeris ku sameeyeyn qaar ka mid ah Jaamacadaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iyo isla xaruunta Wasaaradda oo ay ku beereyn in ka badan toban kun oo geed.

Previous Post

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka

Next Post

Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Dhallinyaro loo soo xiray tababar la xiriira farsamada gacanta oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In