Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2023
in Wararka
0
Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda uu ka soo wareegatay 50-sano.

Iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya  horumarka dadka iyo dalka.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ah ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.

Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay ganacsato iyo aqoonyahanno kale oo soomaali ah , ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha  qaybaha warbaahinta dalka.

Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyagoo ka faa’ideysanaya xuska sanadguurada 50-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta,waxay dhambaal hambalyo ah u direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.

Madaxdaasi waxay gabagabadii u rajeeyeen shaqaalaha warfaafinta in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Shiroos

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo shir gudoomiyay Kulan looga hadlayay adkeynta amniga Degmada Xarardheere.

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle.

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Shabeelaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle.

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In