Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(GAALKACYO):- Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug, Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto), ayaa shir gudoomiyay shirka amniga ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuna sheegay in kulankani yahay mid muhiim u ah xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan gobolka Mudug.

Wasiirku wuxuu xusay in la isla meel dhigay qorshayaal lagu dardar-gelinayo iskaashiga ciidamada kala duwan, taas oo kaalin weyn ka qaadan doonta yareynta falalka amni darrada iyo sugidda nabadgelyada shacabka.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Shirka Amniga ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Taliyaha Daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar, Taliye ku xigeenka Asluubta Galmudug Axmed Nuur Cawaale Fagaan, saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhafka, saraakiisha Danab, Taliyaha sahanka sirdoonka militariga Soomaaliya.

Iyo ku xigeenka taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/dhaxe Maxamed Axmed Shire iyo taliyaha booliiska dagmada Galkacyo Gaashaanle Cali Xirsi Sahal.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Galmudug waxa uu ka rajeyay dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka inay si dhab ah uga shaqeeyaan fulinta qodobada lagu heshiiyay, isla markaana ay wadajir u muujiyaan dadaal iyo isku xirnaan joogto ah.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In