Monday, July 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 19, 2022
in Wararka
0
10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadafka ururada argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalad cabsi ah, arggagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelata bulshada meeshana  ka saarta in ay ka jawaab celiyaan.

Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dhegaha dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

July 28, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

July 28, 2025

“ Propaganda-da waa Oxygen-ka argagaxa”,  Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher (Iron Lady)  oo la dhihi jiray marwadii birta .

Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’,   si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw nahay ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-qodob oo sharci ah kunasaabsan sida loo weriyo wararka argagixisada, waana sida soo socota:-

  1. Ha warin wararka deg-degga ee aadan xaqiiqdooda heyn (Xan ama hebel baa sheegay)

Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey ama ay bixiyeen mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noq-noqotaa xaqiijinta sheekada.

Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah.

Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidaa sida dab keyn qabsaday, diyaarinta warka weerar argagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen(War Suuq) iyo mala’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn.

Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin.  Ha u qaadan wax  fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahan hubin.

  1. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada

Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo argagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faah-faahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka.  Xadidaada wararka noocan ah in la baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looguna adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay.

Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha.

  1. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda

Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin.

  1. Ha isticmaalin sawirada dad dhintay ama dhaawaca

Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin argagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayadda ay doonayaan argagixisada.

  1. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada

Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi oo ka dhigi karta in aad  sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye.

Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka.

  1. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka

Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay  mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda !

Ha iloobin waxyeelada ka dhalan karta in shaqsiyaad ka ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah.

  1. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada

Waa inaadan werin ama daabicin bayaan saxaafadeedka hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, ha iloobin in bayaanada ay ka buuxaan xeerar.  Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixisada sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga.

  1. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada

ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin.

  1. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso !

Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ( is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta.) si warbaahinta ay u daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawl-galada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleylayn lahaa dhacdadaas.

  1. Ha sheegin u diyaar garowga hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin !

Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama la daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaan ama dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka.

Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno tabankan qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna xil weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka bal si dhaw isu xasuusi labadii dhacdo ee Zoobe ka dhacday, yey ku gumaadeen ?!

Waxa tarjamay oo qoray: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Kormeeray Xarunta SNTV Ee London

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saxaafadda ku boorriyay in ay door muhiim ah ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saxaafadda ku boorriyay in ay door muhiim ah ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saxaafadda ku boorriyay in ay door muhiim ah ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

July 28, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

July 28, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii caawa kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal

July 28, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii caawa kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha...

Madaxweynaha JFS oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

July 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya kaga qeyb-galaya Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In