Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waayihii ugu dambeeyay uu waday siyaasada la xiriirta horumarinta iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa dalka Uganda u ambabaxay arday ka baxday dugsiyada Sare oo soo codsaday islamarkaana imtixaan u galay ka mid noqoshada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaddib markii laga baahiyay warbaahinta qaranka ogeysiiska la xiriira in Boliisku uu qaadanayo arday waxbaratay oo saldhig u noqoneysa horumarinta ciidanka kuwaa beri noqonaya saraakiisha hogaamin doonta Ciidanka.

Ardaydani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga dalka Uganda Dr Sayid Axmed Sheekh Daahir,Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalkeena Maj. Gen. Nathan Mugisha,qaar Ka Mid ah saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana ardaydani  oo tiradoodu ay tahay 50 arday ay yihiin kuwo dalka Uganda ku soo qaadan doono tababar laba sano .

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Taliyaha Hogaanka qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Garaad Nuur Cabdulle oo saakay ku sagootiyay ardaydaasi garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka hadlay ahdaafta laga leeyahay in Boliisku uu qaato arday waxbaratay oo saldhig u noqoneysa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana mahadcelin uu u jeediyay isagoo ku hadlayay magaca Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed dowladda Uganda oo qeyb libaax leh ka qaadaneysa tababar siinta ardaydani.

Safiirka  Soomaaliya u jooga dalka Uganda Dr Sayid Axmed Shiikh Daahir,Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalkeena Maj. Gen. Nathan oo si wada jir ah ardayda ula hadlay ayaa talooyin dar daaran u jeediyay oo ku aadan waxbarashada dalka Uganda ay u aadayaan iyagoo u  balan qaaday inta tababarka ay ku jiraan ay garabkooda taagnaan doonaan.

Qaar ka mid ah ardaydii saakay u ambabaxay dalka Uganda oo aan la hadalnay ayaa ka waramay dareenkooda ku aadan ku biirista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo tababarka ay ugu baxeen Uganda.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa mudadii koobneed uu xafiiska joogay wuxuu fagaara badan ka sheegay in loo baahanyahay in ciidanka ay ku soo biiraan arday waxbaratay oo badaleysa saraakiisha hada shaeyneysa, waxaana shalay gal taliyaha uu dar daaran u jeediyay ardaydani maanta u ambabaxa.

IMG_2631 IMG_2634 IMG_2637 IMG_2644 IMG_2651 IMG_2655 IMG_2660 IMG_2661

Sawir Qaade: Mustaf Xuseen  Cabdulle

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo booqday Isbitaalka weyn ee Garowe-Sawirro

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In