Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Baarlamaanka oo loo qeybiyay mooshinka kal sooni kala noqoshada Xukuumadda (DAAWO MUUQAAL)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 2, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa loogu qeybiyey Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli, ayadoo dhanka kalena xildhibaannada loo qeybiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka dhismaha Guddiga Xaduudaha iyo Federaaleynta Dalka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 208 Xildhibaan, waxaana shir Gud oominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. ayadoo Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad iyo Labaadna ay goobjoog ahaayeen.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025

Ajandaha shirka Baarlamaanka ee maanta waxa uu ka koobnaa seddex ajande oo uu ugu horeeyey qeybinta Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaare C/weli iyo Xukuumaddiisa, kaasi oo maanta Mudaneyaasha Baarlamaanka loo wada qeybiyey waloow ay markii hore Xildhibaannada qaarkood dood ka keeneen habraaca loo marayo mooshinka, balse Guddoonka waxa uu Xildhibaannada ku qanciyey ku dhaqanka xeer hoosaadka Golaha Shacabka gaar ahaan qodobkiisa 75aad,farqadiisa 3aad oo ka hadlaysa mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda.

Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa xusay in maalinnimada beritto ah ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Wasiirrada Maalliyadda iyo Arrimaha Gudaha si ay Xildhibaannada ugu kala akhriyaan miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka Xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka, ayadoo dhanka kalena uu Guddoomiyaha Baarlamaanku shaaciyey in maalinta Khamiista ah ay Xildhibaannadu guda geli doonaan dooda la xiriirta mooshinka codka Kalsooni kala noqoshada Ra’isulawasaaraha, sabtidana lasoo gebagebeyn doono.

Previous Post

Nolosha Degmada Ceelbuur oo soo hagaageysa

Next Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Next Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta degmada Ceeldheer u qabtay geesiyaasha Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In