Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Baarlamaanka oo loo qeybiyay mooshinka kal sooni kala noqoshada Xukuumadda (DAAWO MUUQAAL)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa loogu qeybiyey Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli, ayadoo dhanka kalena xildhibaannada loo qeybiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka dhismaha Guddiga Xaduudaha iyo Federaaleynta Dalka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 208 Xildhibaan, waxaana shir Gud oominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. ayadoo Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad iyo Labaadna ay goobjoog ahaayeen.

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026

Ajandaha shirka Baarlamaanka ee maanta waxa uu ka koobnaa seddex ajande oo uu ugu horeeyey qeybinta Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaare C/weli iyo Xukuumaddiisa, kaasi oo maanta Mudaneyaasha Baarlamaanka loo wada qeybiyey waloow ay markii hore Xildhibaannada qaarkood dood ka keeneen habraaca loo marayo mooshinka, balse Guddoonka waxa uu Xildhibaannada ku qanciyey ku dhaqanka xeer hoosaadka Golaha Shacabka gaar ahaan qodobkiisa 75aad,farqadiisa 3aad oo ka hadlaysa mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda.

Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa xusay in maalinnimada beritto ah ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Wasiirrada Maalliyadda iyo Arrimaha Gudaha si ay Xildhibaannada ugu kala akhriyaan miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka Xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka, ayadoo dhanka kalena uu Guddoomiyaha Baarlamaanku shaaciyey in maalinta Khamiista ah ay Xildhibaannadu guda geli doonaan dooda la xiriirta mooshinka codka Kalsooni kala noqoshada Ra’isulawasaaraha, sabtidana lasoo gebagebeyn doono.

Previous Post

Nolosha Degmada Ceelbuur oo soo hagaageysa

Next Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Next Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In