Friday, August 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo cambeereeyay qaraxii Beydhabo oo lagu dilay wariyeyaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Pakistan

Ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beydhabo ee ay ku dhinteen laba wariye qaar kalena ay ku dhaawacmeen xilli ay ku sugnaayen goob internet-ka laga isticmaalo oo ku taalla magaalada oo la isku qarxiyay.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha iyo wariyeyaasha, waxaa geeriyooday Abdulkadir Ahmed Mayow, oo ka tirsanaa Telefishanka Somali Channel iyo Mohamed isxaq Barre oo cameraman u ahaa Kalsan TV. Sidoo kale  Abdulkadir Hassan Jookar, oo ka tirsanaa Kalsan Television, Abdulkadir Hassan Iyeeyow, oo u shaqeynayay Somali SAT Television iyo Mohamed Adan Socdaal oo u soo warrama Dalsan Radio ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ay ku dhinteen in ka badan 10 qofood.

“Waxaan si aad ah uga murugeysannahay inaan maqalno dhimashada saaxibadeena ku dhintay qaraxa maanta, Waana cambeereyneysaa qaraxa sida ugu adag ee macquulka ah” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in baaritaano la sameeyo si kuwa falka geystay caddaaladda loo mariyo.

Waa wariyeyaashii ugu badnaa ee hal goob ku dhinta sanadkaan, sidoo kale dhimashada labadaan wariye ayaa tirada wariyeyaasha lagu dilay sanadkaan dalka ka dhigaysa  shan qof.

Previous Post

R.W Cabdiweli oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In