Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo cambeereeyay qaraxii Beydhabo oo lagu dilay wariyeyaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Pakistan

Ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beydhabo ee ay ku dhinteen laba wariye qaar kalena ay ku dhaawacmeen xilli ay ku sugnaayen goob internet-ka laga isticmaalo oo ku taalla magaalada oo la isku qarxiyay.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha iyo wariyeyaasha, waxaa geeriyooday Abdulkadir Ahmed Mayow, oo ka tirsanaa Telefishanka Somali Channel iyo Mohamed isxaq Barre oo cameraman u ahaa Kalsan TV. Sidoo kale  Abdulkadir Hassan Jookar, oo ka tirsanaa Kalsan Television, Abdulkadir Hassan Iyeeyow, oo u shaqeynayay Somali SAT Television iyo Mohamed Adan Socdaal oo u soo warrama Dalsan Radio ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ay ku dhinteen in ka badan 10 qofood.

“Waxaan si aad ah uga murugeysannahay inaan maqalno dhimashada saaxibadeena ku dhintay qaraxa maanta, Waana cambeereyneysaa qaraxa sida ugu adag ee macquulka ah” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in baaritaano la sameeyo si kuwa falka geystay caddaaladda loo mariyo.

Waa wariyeyaashii ugu badnaa ee hal goob ku dhinta sanadkaan, sidoo kale dhimashada labadaan wariye ayaa tirada wariyeyaasha lagu dilay sanadkaan dalka ka dhigaysa  shan qof.

Previous Post

R.W Cabdiweli oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In