Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW: “Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafis ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha Qaranka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7th December, 2014.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xildhibaanda Baarlamaanku ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tibaaxay inuu doonayo in shacabka Soomaaliyeed la qaybsado dareenkiisa ku aadan go’aankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanku codka kalsoonida ah kala noqdeen xukuumadda.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

“Shalay oo taariikhdu ahayd 6-da Diseember 2014, Xildhibaanda Golaha Shacabka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhoweynayaa go’aankaas, anigoo si buuxda u aqbalay. Waxaan aad ugu faraxsanahay in goluhu go’aankaas meelmariyey, iyagoo xasiloon oo degan. Waxaan bogaadinayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo si ku dheehan dadaal iyo karti ku daadihinayey kulankii shalay. Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada oggolaaday iyo sidoo kale kuwii diiday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda. Labada dhinacba waxay si sharaf leh u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.”

“Waxaad ogtihiin in mooshinka kalsooni kala noqoshada uu keenay muran ka dhashay sharci ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed, saamayn ballaarana ku yeeshay hawl socodka xukuumadda iyo baarlamaanka. Waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyey bisayl una tanaasulay danta dadka iyo badbaadinta Qaranka kuwaasoo aqbalay in la guda galo doodada mooshinka. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafin ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Xasan Sheikh Maxamuud wada shaqayntii dhex martay mudadii sanadka ahayd.

“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay. Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu san marnaba iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa ay u muujiyeen mudadii sanadka ahayd iyo Beesha caalamka oo mar walba garab taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirkooda iyo walaaltinimadooda. “Dalkeenu wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana lagu gaari karaa marka lagu dhaqmo sharciga. Dadkeenu wuxuu u baahan yahay horumar waxaana lagu gaari karaa isku tashi, amni iyo caddalad.

Soomali ha Noolaato, Soomaliya ha is raacdo.

—DHAMAAD—

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

Next Post

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In