Group-A
Kooxda Juventus ayaa garoonkeeda Juventus Stadium barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Atletico Madrid.
Ciyaartoyda kooxda Juventus ayaa taageerayaashooda ku hor dabaal degay,ka dib markii ay u soo baxeen wareega labaad ee koobka Champions League-ga.
Kooxda Olympiacos F.C. ayaa garoonkeeda Karaiskakis Stadium 4-2 uga badisay kooxda Malmo FF.
Kooxda Olympiacos ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan David Fuster Torrijos,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii koowaad ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Simon Kroon ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Malmo FF.
Ciyaaryahan Alejandro Dominguez ayaa daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Olympiacos.
Ciyaaryahan Markus Rosenberg ayaa daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka labaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Malmo FF.
Ciyaaryahan Konstantinos Mitroglou ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Olympiacos.
Ciyaaryahan Ibrahim Afellay ayaa goolka afaraad ee quusinta u dhaliyay kooxda Olympiacos.
Kooxda Atletico Madrid ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka A,waxana ay uruursatay dhibco dhan 13-dhibcood,halka kooxda Juventus ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo la timid dhibco dhan 10-dhibcood.
Kooxda Olympiacos ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay heshay dhibco dhan 9-dhibcood,iyadoo ciyaari doonto koobka Europa League-ga.
Group-B
Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu 4-0 uga badisay kooxda PFC Ludogorets Razgrad.
Ciyaaryahan Marcelinho ayaa daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda PFC Ludogorets Razgrad,ka dib markii kubad dhalan rabtay uu gacanta u dhigay.
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 20-aad gool u bedelay rigooradii loo dhigay waxana uu dhaliyay goolkiisii 72-aad ee koobka Champione League-ga.
Ciyaaryahan Gareth Bale ayaa dhamaadkii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Real Madrid,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii kowaad ee ciyaarta.
Ciyaayahan Alvaro Arbeloa ayaa daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Real Madrid.
Ciyaaryahan Alvaro Medran oo 20-jir ah kulankiisii ugu horeeyayna caawo u saftay kooxda ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Real Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa rikoor cusub ka dhigtaydalka Spain,waxana ay badisay kulankii 19-aad oo xiriir ah.
Tababare Frank Rijkaard ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda Barcelona ee sanadkii 2005/06 waxana uu kula guuleystay 18-kulan oo xiriir ah.
Kooxda Liverpool ayaa ka hartay koobka Champions League-ga,ka dib markii ay garoonkeeda Anfield barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Basel.
Kooxda FC Basel ayaa goolka la hor martay,waxaana 25-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fabian Frei,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii koowaad ee ciyaarta.
Garsoorihii ciyaarta Bjorn Kuipers ayaa daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay ciyaaryahan Lazar Markovic oo qeybtii labaad ee ciyaarta bedel ku soo galay.
Ciyaaryahan Steven Gerrard ayaa daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka laad xur ahaa oo barbardhaca ah u dhaliyay kooxda Liverpool.
Kooxda Real Madrid ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka B,ka dib markii ay badisay dhamaan lixdii kulan oo ay ciyaartay,waxana ay uruursatay dhibco dhan 18-dhibcood,halka kooxda FC Basel ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo ku soo baxday dhibco dhan 7-dhibcood.
Kooxda Liverpool ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay heshay shan dhibcood,iyadoo ciyaari doonto koobka Europa League-ga.
Group-C
Kooxda Benfica ayaa garoonkeeda Estadio da Luz barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Bayer Leverkusen.
Labada kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin labadii qeyb ee ciyaarta.
Kooxda Monaco Stade Louis II 2-0 uga badisay kooxda Zenit St. Petersburg.
Ciyaaryahan Aymen Abdennour ayaa daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Monaco.
Ciyaaryahan Fabinho ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Monaco.
Kooxda Monaco ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka C,waxana ay ku soo baxday dhibco dhan 11-dhibcood,halka kooxda Bayer Leverkusen ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo heshay dhibco dhan 10-dhibcood.
Kooxda Zenit St. Petersburg ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay heshay dhibco dhan 7-dhibcood,iyadoo ciyaari doonto koobka Europa League-ga.
Group-D
Kooxda Galatasaray S.K. ayaa waxaa garoonkeeda Turk Telekom Arena 1-4 uga badiyay kooxda Arsenal.
Kooxda Arsenal ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay sedaxa gool waxaana labo ka mid ah u dhaliyay ciyaaryahan Aaron Ramsey,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Lukas Podolski.
Ciyaaryahan Lukas Podolski ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Arsenal.
Kooxda Borussia Dortmund ayaa garoonkeeda Signal Iduna Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Anderlecht.
Ciyaaryahan Ciro Immobile ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Borussia Dortmund.
Ciyaaryahan Aleksandar Mitrovic ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Anderlecht.
Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka D,inkastoo mid 13-dhibcood ay wada heleen kooxda Arsenal,laakin dhanka goolasha ayaa waxaa badan kooxda Dortmund.
Kooxda Anderlecht ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad ee Group-ka D,waxana ay ciyaari doontaa koobka Europa League-ga.
Kooxaha Atletico Madrid,Juventus,Real Madrid,Basel,Monaco Bayer Leverkusen, Borussia Dortmund,Arsenal,Bayern Munich, Paris Saint Germain,Barcelona,Chelsea,FC Porto iyo Shakhtar Donetsk ayaa ilaa hada u soo baxay wareega labaad ee koobka Champions Legaue-ga.
Sidoo kale Kooxaha Olympiakos,Liverpool, Zenit St. Petersburg, Anderlecht ayaa ilaa hada u soo baxay koobka Europa League-ga.