Iyadoo dhowaan hay’adaha Aminga ee Soomaaliya ay soo bandhigeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo gaadiidkii ay u isticmaali jireen dilka ay u geysanayaan dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa hay’adaha Amniga dalka ay soo saareen awaamiir ku aadan gaadiidka la kala kireysto.
Amarkan ka soo baxay Hay’adaha Amniga ayaa ku wajahan ganacsatada kireysa Baabuurta, waxayna go’aankan ka dambeeyay markii ahy’adaha Amniga ay ogaadeen in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay soo kireystaan Baabuurta ay u adeegsadaan dilalka ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
HALKAN KA DHEGEYSO AFHAYEENKA WASAARADDA AMNIGA QARANKA.