Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka qeybgalay shir ka dhacay Addis-ababa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka qaybgalay shir labadii maalmood ka socoday  magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaa soo maanta la soo gebagebeeyey loogana hadlayay horumarinta isgaarsiinta waddamada qaar ee Africa.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’ad midowga Yurub u qaabilsan horumarinta Afrika oo saldhigeedu yahay magaalada Addis-ababa ayaa looga dooday laguna soo bandhigay horumarka waddamada Afrika ay ka gaareen dhinaca Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan sida Internetka Xawliga ah(Broadband) Maamulid iyo Qorsheynta Hirarka (Spectrum and Frequency Management) iyo talaabooyinka looga baahanyahay waddamada Afrika inay qaadaan si Qaaraddu wax ula qaybsato waddamada hormaray gaar ahaan dhanka Isgaarsiinta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ka codsaday hay’adda shirka qabanqaabisay iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan Isgaarsiintu inay dalka Soomaaliya ka caawiyaan horumarinta sharciyada Isgaarsiinta.

Agaasimaha ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay wakiiladii ka socday Hay’adda Isgaarsiinta Afrika iyo Wakiildii ka kala socday dalka South Afrika, Kenya iyo Tanzaniya kana codsaday in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta laga caawiyo dhanka tababarada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah oo ay kamid tahay in waddanka Soomaaliya il gaar ah lagu fiiriyo lagana shaqeeyo sidii looga caawin lahaa horumarinta sharciyada Isgaarsiinta iyo taabagalinta qorshayaasha Isgaarsiinta Qaaradda.

ECA2 istaag

Previous Post

Mu’assasada Al-minhaaj ee Galdogob oo kulan u qabatay qurbajoogta ka soo jeeda deegaanadaasi (Sawiro)

Next Post

Isbitalkii deegaanka Godinlabe oo dib loo howlgaliyay”sawiro”

Next Post

Isbitalkii deegaanka Godinlabe oo dib loo howlgaliyay"sawiro"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In