Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay oo saxiixay sharciga cusub ee ammaanka Kenya,kaasoo isibedel lagu sameeyay sanadkan 2014-ka.

Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya ayaa waxaa arragtiyo kala duwan ay ka muujiyeen dadka Kenyanka ah iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Madaxweynaha ayaa markii uu saxiixay Sharcigaasi muranka dhaliyay waxa uu warbaahinta u sheegay in sharcigaan uusan ku xad-gudbeyn Xaquuqda Aadanaha ama Dastuurka u yaallo Kenya, balse loogu talo galay in lagu adkeyo ammaanka dadka Kenyanka ah, gaar ahaan in looga hor-taga falalka aragagaxisada iyo noocyada kale ee dambiyada ah ee ka dhaca dalka.

“Dhammaan shacabka ka walaacsan sharcigan ee Kenyanka ah iyo kuwa daneeyo arrimaha Kenya-ba waxaan u sheegayaa; in sameyn uunan ku yeelan doonin sharcigaan ay ansixiyeen Baarlamaanka ee la xiriiro ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru.

Madaxweyne Uhuru ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in ay waqti ku bixiyaan oo ay akhriyaan sharcigaan cusub oo uu shalay meel mariyay baarlamaanka dalka Kenya.

“ujeeddada ugu weyn ee sharcigaan laga doonaayo waxey tahay oo kaliya in lagu ilaaliyo nolosha iyo hantida dhamaan muwaadiniinta Kenyaanka ah”Ayuu sii raaciyay madaxweynaha.

Madaxweyne Uhuru ayaa uga mahad ceiyay baarlamaanka ansaxinta sharciga ammaanka dalka oo is-bedel lagu sameeyay.

Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya oo uu soo diyaariyeen Gudi-hoosaadka amniga ee Baarlamaanka Kenya ayaa shalay lagu meel mariyay kulankii Baarlamaanka,kaasi oo uu buuq hareeyay.

Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya oo uu maanta sixiixay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa si cad uga soo horjeestay xisbiga mucaaradka dalka Kenya ee CORD, Qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Muslimiinta iyo Ururrada Bulshada rayidka ah.iyadoo sidoo kale ay dhaleeceeyay sharcigan cusub Hay’adaha Xaquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International.

Kenyattauhuru

Previous Post

R/Wasaare Cumar C/rashiid iyo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka oo Muqdisho ku kulmay “Sawirro”

Next Post

Arday Soomaali ah oo Qeyb ka Ahaa Arday Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Kenyatta ee Nairobi:-MUUQAAL+ Sawirro

Next Post

Arday Soomaali ah oo Qeyb ka Ahaa Arday Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Kenyatta ee Nairobi:-MUUQAAL+ Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In