kulanakan oo Maaanta ku yasheen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho guddiyada Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka waxaa shir gudoominaayay guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ‘jawaari’ waxaana kulanka looga hadlaayay arrimo ay tahay mudeynta maalinta la horgeynaayo Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo dardargelinta howlaha Barlamaanka horyaala oo ay ugu horeyso dedejinta Hise-Sharciyeedyada muhiimka u ah hay’adaha dowliga ee Soomaaliya.
kulanka ayaa lagu go’aaminyay 24 December oo ah maalinta berito ah in Barlamaanka la horkeeno Ra’isul wasaaraha cusub ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si Barlamaanka loogu weydiiyo codka kalsoonida ah.
C/kariim Xaaji Cabdi “Buux” oo ah xoghayaha Barlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in maalinta beri ah golaha Shacabka la horgeyn doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke si xubnaha golaha Barlamaanka ay cod ugu qaadaan.