Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shariif Xasan oo la kulmay waxgaradka beelo dagaallamay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta kulan magaalada Muqdsho kula qaatay Waxgaradka, siyaasiinta iyo  aqoonyannada ka soo jeeda beelo walaalo ah oo uu dagaal ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Kulankan ayaa gogol xaar u ah wada hadallo la damacsan  yahay in lagu dhex-dhexaadiyo beelo isku deegaan ah oo uu dagaal ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ee Somalia, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, kulanka masuuliyiinta iyo dhammaan Waxgaradkii ka soo qeyb-galay waxa ay Shariif Xasan uga mahadceliyeen sida uu dadaalka ugu jiro in dagaalka uu istaago oo walaalnimo iyo wada  hadal wax walba lagu dhameeyo iyagana ay kaalin mug leh ka qaadan doonnaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa Siyaasiinta kulankaasi ka qeyb-gashay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay ugu wada istaagi lahaayeen joojinta colaadda, loona wada qaadan lahaa nabadda iyo midnimada Shacabka si loo badbaadiyo, waxa uuna uga mahadceliyey Shariif Xasan dadaalkiisa arrintaasi ku aaddan.

ugu dambeyntii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay Shabeellada Hoose in ay joojiyaan dagaalka oo ay isu tanasulaan, maamul ahaanna ay waqti badan ku bixin doonaan sidii arrintaasi loo dhameyn lahaa.

Previous Post

Kooxda Soomaali Fruit oo galabta afka ciidda u dartay kooxda dekadda

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In