Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“SAWIRRO”Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo maanta lagu qabtay hotelka City Place ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno katirsan golayaasha dowladda iyadoo ay goobjoog ahaayeen ehelada iyo waalidiinta caruur agoon ah oo ay xanaaneyso hay’adda Qatar Charity oo laga leeyahay wadanka Qatar ee aynu walaalaha nahay.

Munaasabadan ayaa waxaa hay’adda Qatar Charity ay kusoo bandhigeysay caruur agoon ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 1400 oo sanad weliba loo qabto muhrajaan ay ku muujinayaan farxadooda iyo sida ay wax u barteen inta ay gacanta ku heysay hay’addaasi.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Caruurtan oo ay ka muuqatay farxad iyo daryeel ayaa waxaa mas’uuliyiinta Qatar ay sheegeen in ay ku dhalisay xanaaneyntooda markii ay arkeen dhibaatada heysata caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah maadaama ay yareyd daryeelka ay heli jireen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goobta ka hadlay isagoo caruurta la qeybsanayay farxadooda ayaa ballan qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu dadaal u geli doono sidii agoontu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda gaar ahaan dastuurka qaranka lagu qoro xuquuqda agoonta Soomaaliyeed.

Hay’adda Qatar Charity ayaa gacanta ku heysa inkabadan 9000 oo agoon Soomaaliyeed ah kuwaasoo ay dhabarka u ridatay xanaaneynta iyo wax baridooda ilaa heer jaamacadeed iyadoo munaasabadda maantana lagu soo bandhigay caruur fara badan oo ka faa’iidesatay.

DSC_3358 (1) DSC_3360 DSC_3364 DSC_3381 DSC_3396 DSC_3411

Previous Post

“SAWIRRO”Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad uu xilka kula wareegayay R.wasaare Cumar C.rashiid

Next Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Next Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In