Hooyadani oo ku umushay Muqdisho ayaa waxa ay dhashay 4 Caruur oo dhidig ah, iyadoo ay ku umushay hooyadaasi isbitaal si gaar ah ay u leeyihiin dhaqaatiir masaari ah, waxaana laga keenay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo ay ku xanuunsaneysay iyadoo xaamila ah.
Caruurta ayaa waxa ay ku jiraan qeybta lagu koriyo caruurta aan ku dhalan bila dhameystiran waxaana xaaladda carruurta iyo iyo Hooyadaasi a ay tahay mid ka soo reyneysa
Faadumo Xasan Maxamuud oo ah haweeneydaasi umushay oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay xaaladeeda Caafimaad, iyadoo sheegtay in ay aad u wanaagsan tahay ayna ku faraxsan tahay caruurtaasi uu ilaah siiyay.
Aabe Xasan Maxamuud Maxamed oo ah Aabaha dhalay hooyadaasi oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya in gar gaar la soo gaaraan gabadhani oo uu sheegay in ay tahay qof liidatay markeedii hore.