Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa (Dhageyso+Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa (Dhageyso+Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka maalinlaha ah ee Sahanka oo ka baxa Radio Muqdisho ayaa waxaa marti ku ahaa gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/Dhexe Cali Guudlaawe, wuxuuna ka hadlay xaaladaha guud ee ka jira gobolka, waxqabadka maamulkiisa iyo himilooyinka uu higsanayo.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisu wax la taaban karo ka hirgeliyay gobolka, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira, nabadgelyada, soo celinta adeegyadii bulshada, hirgelinta mashaariic horumarineed, iyo dib u heshiisiin.

Related posts

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026

Wuxuu tilmaamay in maamulkiisu wado qorshayaal looga hortagayo fatahaadda wabiga oo dhibaato ba’an ku haya dadka ku nool nawaaxiga webiga, kaasoo sababa barakac iyo dalagii beeraha uu baabi’iyo.

Dhinaca kale gudoomiye Guudlaawe ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu xiriir wanaagsan iyo wada shaqeynba la leeyahay qeybaha bulshada ee ku nool gobolkaasi.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in gobolka Sh/dhexe uu leeyahay kheyraadka badda iyo berriga ah, sidaasi darteed uu maamulkiisu mudnaanta koobaad siinayo sidii looga faa’iideysan lahaa beeraha, xoolaha kalluunka iyo macaadinta ku jirta badda iyo berriga.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/01/BAR-SAHANKA-TABIYE-NASHNAAL-04.01.2015.mp3

DSC02050 DSC02054 DSC02061 DSC02062
DSC02064

Sawir Qaade:-Farxaan Sulaymaan Daahir

Previous Post

Maamulka gobolka Sh/Hoose oo ku amray hey’adaha samafalka iney is diiwaangeliyaan

Next Post

Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Next Post
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada Jubbooyinka

April 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In