Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 8, 2015
in Wararka
0
Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inkastoo dhawaanahaanba Ciidamada amaanka Soomaaliya ay adkeeyeeen amaanka caasimadda iyo Gobollada dalka isla markaana howlgallo is daba joog ah oo lagu baacsanayo nabad diidka ay ka socdeen Magaalooyin dhowr ah oo caasimaddu ka mid tahay Hadana 48 dii saac ee la soo dhaafay waxaa la kordhiyay howlaha amniga la sugayo iyadoo ciidamo dheeeraad ah la soo dhigay wadooyinka caasimadda.
Wadooyinka magaalada Muqdisho inta badan waxaa lagu arkayay ciidanka Booliska oo aad u Feejigan isla markaana Xaqiijinaya amaanka iyadoo Ciidanku ay baarayaan Gaadiidka Dadweynaha iyo dadka socda wadada hareeraheeda .
Qaar ka mid isgoysyada caasimadda oo aanu kula kulanay ciidanka iyagoo howlaha amaan sugida ku jira waxaa ay saraakiisha Booliska ah Ee hormuudka u ah ciidanka amaanka goobahaas Sugayay noo sheegeen in la sii wadi doono Howlahaan inta Maleeshiyaadka nabad diidka ah laga sifeynayo dalka si aanay u geysan falal dadka shacabka ah lagu gumaado.

Col. Maxamed Daahir Cabdulle Taliyaha saldhiga Booliska degmada Hodan ayaa ka mid ahaa saraakiisha aan la kulanay ee amniga sida weyn u sugayay isagoo xusay in howshu soconeyso habeen iyo maalinba si looga hortago araggaxisada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Goobaha qaar ciidamada AMISOM ayaa lagu arkayay iyagoo Sugida amniga qayb ka ah, gaadiidka shacabka ayaa ah kuwo laga celinayo wadada Maka al Mukarama ee Madaxtooyada hormarta iyadoo dadweynaha iyo gaadiidka loo fasaxay wadooyinka kale si ay u isticmaalaan.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/Dhexe Qaasim Axmed Rooble. ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waxaa uu faah faahin ka siiyay Howlgaladaan lagu adkeynayo amaanka caasimada ee ciidamada amnigu ay wadaan waxaana uu tilmaamay in lagu qabtay maalmihii ay socdeen hub iyo dad la tuhmayo.  
Adkeynta amniga magaalada Muqdisho in kastoo mar walba ay ciidamadu u taagan yihiin hadda waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo saacadaha soo socda fufuud caalami ah ay ku soo fool leeyihiin waxaana ka furmaya shirka urur goboleedka IGAD oo Somalia ay Marti gelineyso mudo 29 sano ah ka dib.

Magaalada Muqdisho waxa ay horay u marti gelisay shirkii Golaha amaanka QM oo soo booqday Waxaana Muuqata in Somalia Muuqaalkii horay looga heystay ay wax badan iska bedeleen.

Previous Post

Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In