Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada xuska 21ka Janaayo oo ku beegan 42 guuradii kasoo wareegtay markii la qoray Farta Soomaaliga 1973-dii.

Maalinta berri ah ayay ku beegan tahay maalintaas oo wargeyskii Xiddigta October lagu soo saaray far Soomaali, isla markaana si toos ah loogu beddelay afafkii qalaad ee dalku isticmaali jiray.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada loo xilsaaray xuska maalintaas Axmed Shabeel ayaa yiri “Maalinta 21-ka janaayo waa maalin ku wayn inta Af-Soomaaliga ku hadasha, maalintaas uu dhaqan galay afkeenu waa maalin si weyn loogu baahan yahay in laga xuso dalkeena”.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo kamid ah gudiga ayaa sheegay in aan la xusin isla markaana aan la qiimeynin maalintaan burburkii kaddib, wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in gobollada iyo degmooyinka waddanka laga xuso maalintaan oo micne wayn u leh dadka Soomaaliyeed.

“Waa maalintii Af-Soomaaliga lagu beddelay Afafkii qalaad, oo maamulka oo dhan laga dhaqan galiyay, manhajkii waxbarashada loo beddelay Af-Soomaali, waa maalin qiimo weyn noo leh” ayuu yiri

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalidu ay dowr weyn ku leedahay nooleynta Afka, dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ayay warbaahintu ku howlanayd horumarinta afka ayadoo aysan jirin hay’ado dowladeed oo u taagan arrintaas.

“25-kii sano ee uu waddanku burburka (dagaallada) ku jiray oo Af-Soomaaliga gacan ku heyntiisa qalqal gashay waxaa dowr wayn ka qaatay warbaahinta, ha noqoto warbaahinta caalamiga ah ee Af-Soomaaliga ku hadasha ama tan gudaha” ayuu yiri.

“Inkastoo tayada su’aalo laga keeni karo haddana waxay qabteen howl weyn oo aan la dhayalsan Karin” ayuu sii raaciyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa magacowday guddi ay ku jiraan dad Af-ka si wanaagsan u yaqaanna, kuwaas oo qaban qaabinaya xuska maalinta Far-Soomaaliga oo maalinta arbacada ah laga xusi doono meelo badan oo dalka ka mid ah.

Previous Post

Ciyaartoy Soomaali ah oo ku guuleystay Koobka Jaaliyadaha ee Dowladda Suudaan qabato

Next Post

Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Next Post
Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Dhalashada Nabiga oo laga xusay Guriceel

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In