Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi “Waxaan xoogga saarayaa ka shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi “Waxaan xoogga saarayaa ka shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo sitay boorar ay ku taageerayaan musharaxa ayaa meel magaalada Xeraale u jirta 2KM, ku soo dhaweeyay, waxaana wafdiga Maxamed Cilmi Afrax soo dhaweynta kaddib la geeyay xarunta maamulka Xeraale.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Kulan lagu qabtay xarunta maamulka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee halkaasi ku nool, waxaana dadkii goobta hadal ka jeediyay ay tilmaameen in Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ay si wanaagsan u yaqaaniin, maadaama isaga oo Hay’adda ICRC Madax ka ah uu wax badan u qabtay bulshada ku nool gobolka Galgaduud, iminka ay soo dhaweynayaan in uu isu soo taago qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada Dhexe.

Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Xeraale Mustaf Sheekh oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka reer Xeraale ay taageersanyihiin musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye”, isagoo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay bulshada Gobollada dhexe.

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo xafladda lagu soo dhaweynayay hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool deegaanka Xeraale, sida diiran ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu u balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu u taaganyahay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada Gobollada dhexe, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii uu dib u heshiisiin dhab ah u dhex dhigi shacabka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horey madax uga soo noqday Hay’adda ICRC ayaa ku guuleystay in uu ceelal iyo mashaariic kale ka hirgeliyo deegaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana uu iminka diyaar u yahay in uu wax badan u qabto bulshada halkaasi ku nool.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo 20.01.2014

Next Post

DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

Next Post
DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In