Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daahfurka hanaanka dhisidda Barlamaan gobolleedka Jubba

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daahfurka hanaanka dhisidda Barlamaan gobolleedka  Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Safiirrada QM, IGAD, Midowga Yurub, AMISOM, iyo Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, 20 Janaayo 2015 – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay daahfuridda hanaanka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba (IJA), iyagoo ugu baaqay madaxda maamulka inay xaqiijiyaan in dhammaan beeluhu ay golaha ka helaan wakiillo metela.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

“Waxaan soo dhoweynaynaa daahfuridda geeddi-socodka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Jubba. Tani waa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo dowlad-dhisidda ee dadka gobollada Jubba, iyo weliba Soomaalida dhammaantooda. Waxaan madaxda Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba ku boorinaynaa inay haween, dhallinyaro iyo kooxaha laga tira badanyahay ku soo daraan hanaanka go’aan-qaadashada gobolka, iyagoo xaqiijinaya inay qayb ka noqdaan Golaha cusub. In la xaqiijiyo hanaan cadaalad ah oo loo wada dhanyahay wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha bulsho ay cadaalad ka jirto oo nabad ah, tusaale fiicana u noqon kara dalka intiisa kale.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno madaxda maamulka, waxaana dhammaan dhinacyada ugu baaqaynaa inay wadatashi wax ku ool leh iyo dibuheshiisiin la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha beelaha dhammaantooda. Saaxiibada ay Soomaaliya ku leedahay caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi-socodka uu dalku ugu jiro nabadda iyo dowlad-dhisidda.”

Dhamaad.

Previous Post

Islaamka iyo Dustuurka Dhageyso

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Raio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Raio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In