Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay mid taariihi u ah shacabka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in booqashada wafdiga Madaxweynaha Turkiga ay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala saxiixdaan mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga ay ka duwantahay tii hore ee uu dalka ku yimid, waxaana uu shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama ay tahay mid lagu xoojinayo Nabadgelyada Caasimadda, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

“Runtii farxad ayay noo tahay in markale uu Madaxweynaha Turkiga booqasho noogu yimaado, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Soomaaliya waxaan uga mahadcelineynaa mashaariicdii kala duwanaa ee ay dalka ka hirgeliyaan, waxaana rajeyneynaa in Mashaariic kale aan kala saxiixano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay ka turjumeyso horumarka amniga ee ay dowladdu ku talaabsatay, isagoo xusay in taasi ay suurta gelisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimaado.

“Heshiisyada aan kala saxiixaneyno waxaa ka mid ah iskaashi dhaqaale oo labada dal, sidoo kale waxaaan kaloo kala saxiixan doonaa heshiisyo dhanka amniga ah, madaama dowladda ay ka baxday KMG-nimada, haatanna ay dowladdu dadaal ugu jirto hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Madaxweyne adiga iyo wafdiga kula socda markale ku soo dhawaada Soomaaliya” DAAWO

Next Post

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo Mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Jabuuti

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In