Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Maxamed Cilmi Afrax Mideeya oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo sitay boorar ay ku taageerayaan musharaxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee magaalada Cadaado, halkaasi oo si saf mareen ah ugu gacan qaaday.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025

Sidoo kale Maamulka degmada Cadaado ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta musharax Maxamed Cilmi Afrax Mideeye, iyadoo maamulka degmadu ay dhankooda shaaciyeen inay taageersanyihiin in Mideeye uu isu soo taago qabashada xilka Madaxtinimo ee gobollada dhexe.

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo xafladda lagu soo dhaweynayay hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool magaalada Cadaado sida diiran ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu u balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu u taaganyahay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono dhamaan bulshada Gobollada dhexe,

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ayaa hoosta ka xariiqay in socdaal kala duwan uu ku soo maray degmooyinka Gobolka Galgaduud, isla markaana uu kala soo kulmay soo dhaweyn diiran, uuna diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhex dhigo bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

Previous Post

Marxuum Xaabsade oo lagu wado in lagu aaso Baydhabo

Next Post

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS Taliska...

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In