Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabak ee magaalada Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ee ahaa in muddo toban cisho ah la siiyo si uu u soo dhameystiro golaha Wasiirada.

Shirka Baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay soo xaadireen 230 Xildhibaan ayaa waxaa hortagay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo ka codsaday in uu soo dhameystirayo golaha Wasiirada oo uu gaarsiin doono 25 Wasiir, isla markaana inta ka dhiman Wasiirada uu soo dhameystiri doono.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in markii uu arkay xaaladda dalka uu ku jiro iyo in miisaaniyadda dowladda aanay ku saleysneyn Wasaaraddaha 20-ka uu soo magacaabay ay qasab noqotay inuu 10 cisho dalbado si uu Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ku soo dhameystiro.

Dood dheer kaddib mudanayaasha Baarlamaanka ayaa cod u qaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana ogolaatay 139 Xildhibaanad, halka 47 Xildhibaan ay diideen codsigaas, waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto 10 cisho dheeraad ah oo uu ku soo dhameystirayo Xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa laga sugayaa in Wasiirada magacaaban ee 20-ka ah, uu gaarsiiyo 25, isla markaana uu soo magacaabayo Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlayaasha Xukuumadda Soomaaliya muddada tobanka cisho ah ee uu haysto.

Previous Post

Madaxweyne Xasan”Dowladda Soomaaliya Horumar badan ayey ka samaysay Dhinaca Ammaanka dalka

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In