Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Ka Sameeyay Inta U Dhexeysa Degmooyinka Jalalaqsi Iyo Bula Burde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 19, 2015
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga Dalka Oo Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Ka Sameeyay Inta U Dhexeysa Degmooyinka Jalalaqsi Iyo Bula Burde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan inta u dhexeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Bula Burde ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay, iyadoo howlgaladaasi lagu soo qabtay maleeshiyaad naf la caari ah oo ka tirsan Argagaxisada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladaasi oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa ammaanka lagu xaqiijinayol, islamarkaana lagu baadi goobayay argagaxisada Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaannada howdka ah ee ku teetsan wadadaasi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025

C/laahi Barre Cilmi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan inta u dhexeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Bula burde oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa u xaqiijiyay howlgaladaasi ay ku soo qabteen 4-malaashiyaad ah oo ka tirsan qaswadayaasha Al Shabaab oo laba ka mid ah ay ahaayeen kuwa hubeysan oo ku dhuumaaleysanayay deegaanada baadiyaha ee ku yaala halkaasi.

C/laahi oo sii hadlay ayaa sheegay in howlgaladu weli ay sii socon doonaan islamarkaana meel kasta ay ku baacsan doonaan firxadka Al Shabaab oo gabalkoodu sii dhacay

Previous Post

Guddiga Dib u hishiisiinta Qaranka Oo Baaq U Diray Dadka Ku Dagaalamaya Gobolada Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025
0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u...

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In