Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibane Xamar Ku Xanuunsanaya Oo Deeq Lacageed La Gaarsiiyay “Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhibane Xamar Ku Xanuunsanaya Oo Deeq Lacageed La Gaarsiiyay “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdani lacageed oo ay soo dhiibeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Mareykanka oo ay ugu horeyso Safiyo Diiriye kana damqaday dhibane Cali C/llaahi Aadan oo ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho kaddib markii Warbaahinta Qaranka ay baahisay dhibaatada heysata Cali oo u baahan caawimaad dhab ah.

Dhibane Cali C/llaahi Aadan oo ku xanuunsanaya xaafadda Siliga Amerikanka Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir islamarkaana u ildaran xanuun dhinaca maqaarka ah oo dalka wax loogu qaban waayay ayaa la guddoonsiiyay deeqdaasi lacageed oo loo soo wakiishay Agaasimaha Radio Muqdisho C/rixiin Ciise Cadow, iyadoo deeqda ay eheyd 250 dolar oo wax ka mid ah noloshiisa wax ka badali doonto.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Dhibane Cali C/laahi Aadan oo xanuunkaasi u iladaran islamarkaana indhaha la’ ayaa ka mahadceliyay deeqda lacageed, isagoo sheegay in aad uu ugu faraxsanyahay kaalmada la soo gaarsiiyay, waxaana uu ka sheekeeyay dhibaatada heysata oo uu sheegay in cudurkani uu ildaranyahay muddo badan, islamarkaana uu codsanayo in gar gaar loo fidiyo.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/rixiin Ciise Caddow oo deeqdaasi lacageed loo soo wakiishay ayaa sheegay kaalmadani in dhiiro galin ay u tahay dhibanahani islamarkaana muhiim ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay caawiyaan Dhibane Cali oo ay ku daydaan sida uu tilmaamay Caasho Diiriye iyo muwaadiniinta kale.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/rixaiin Ciise Cadow ayaa waxa uu sheegay in warbaahinta Qaranka ay u taagantahay soo bandhigida dadka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ee u baahan caawimaada maadaama ay jiraan dad Soomaaliyeed oo wehel u ah xanuuno dalka aan wax looga qaban Karin.

Haddaba Kala Xiriir Dhibanahaasi Teleefoon Number +25261-5529337

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/02/war-nuur-saciid-tahliil-deeq-lacag-radio-muqdisho.mp3

DSC06717

DSC06721

DSC06722

DSC06725

DSC06726

DSC06727

DSC06732

DSC06733

DSC06734
Sawir-Qaade.Farxaan Suleiman Daahir

Previous Post

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Next Post
RadioMogadishu_logo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In